Muxuu Daaran yahay Aargoosiga Qaawan ee Gudoomiyaha Waxbarashada G.Gabiley ku Hayo Dugsiga hoose dhexe ee Sh. muxumed warsame.

Gabiley(GNN)Waxay ahayd todobaadkii tagay markii safar kadis ah uu ku yimi Gobolka Gabiey Wasiirka Wasarada Waxbarashada iyadoo ujeedada safarkiisu ay daarnayd ama ay ka muuqatay qof ku jihaysan meel aad odhanayso in si gaar ah loogu calaamadiyay oo aad ka dheehanayso hadalkiisa iyo qasdigiisaba nin abbaaraya madal warbixinteeda si gaar ah loo soo siiyay,geesta kalana ay ka muuqato in uu taageero mug leh la barbar cararayo Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Gabiley oo sida ka muuqata ficiladiisa aad runtii garanayso nin aargoosi siyaasadeed oo uu ka tirsanayo gudoomiyhii ka horeeyey wada isla mar ahaan taana raba in uu meesha ka tirtiro macalimiin dan yar ah oo ka Hawl gala Dugsiga Sheeekh Muxumed warsame,sida ka muuqata hadalo uu ugu tiraabayay wasiirka mar uu warbixin ka siinayay xaalada dugsiga oo waqtigaas ay kormeer ahaan ku joogeen.

 
iyadoo gudoomiyuhu adeegsaday ereyo anshaxa maamulnimo ka baxsan oo xataa uu macalimiinta ka hawl gasha dugsiga ku tilmaanay Baalashlayaal u,badkeena wax u dhiga, ereyada noocaas ah oo Dhaawac wayn ku noqonaysa wasaarada uu masuulka ka yahay isla mar ahaan taasna macalimiinta Dugsiga sharaftoodii wax yeelaynaysa.

 
Isu soo wada duuboo dadka reer gabiley waxa ay is waydiinayaan waxa ay daaran tahay culayska Gudoomiyaha waxbarashada gabiley oo kaashanaya Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee soomaliland dul dhigeen Dugsiga Hoose Dhexe ee Sh. muxumed warsame iyada oo aanay dugsiyada kale ee gobolka iyo kuwa dalkuba aanay la qabin , colaada intaas leegi se halkay salka ku haysaa .

Jawaabta su aashaasi waxaan u dhaafayaa bulshada
Waa Qalinkii Eng Axmed Cali Muxumed
Axmed2012@gmail.com

Gabiley.net

Gabiley office