Nuxurka Kulan Dhex Maray Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Iyo Taliyaha Ciidanka Amisom

Muqdisho(GNN):-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Gen. Mohammedesha Zeyinu, waxana kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM. Iyadoo ay ka wada hadleen ammaan guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.
IMG_5785(1).JPG

Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Zeyinu ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka.

IMG_5786.JPG

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah, si gobollada dalka ee ay ku dhuumaalay-sanayaan sanadka cusub ee 2016 guud ahaan gacanta dawladda loo soo gelin lahaa.

IMG_5788.JPG

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

IMG_5789(2).JPG

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga. Ayuu yiri Wasiir Diini.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE