Nuxurka Kulan Uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Buuhoodle Kula Qaatay Gudida Beelaha Dhulbahante+Sawiro

wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Mud:Saleebaan Xaglo Toosiye Ayaa Habeenkii Xalayto Ahaa Kulan Laba Geesooda La Yeeshay Gudida Beesha Degta Deegaanka Buuhoodle Kulankaas Oo U Dhexeeyay Beelaha Dhulbahante Iyo Xukuumada Somaliland Oo Uu Metelaayay Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland

Kulanka Wasiir Xoglo.toosiye la qaatay Beesha ayaa Waxaa Diirada Lagu Saaray Sidii Loo Xoojon Lahaa Nabad Gelyada.Lagana Wada Shaqayn Lahaa Sidii Is Fahan Dhaba Iyo Walaaltinimo Udub Dhexaad U Noqota Lala Sameeyo Xukuumada Somaliland Oo Diyaar U Ah Sidii Ay U Xalin Lahayd Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Beeshaas

Sidoo Kale Wasiirka Xaglo Toosiye Ayaa Si Adag Uga Hadlay Maleeshiyaadka Cali Khaliif Galaydh Oo Uu Wasiirku Ka Saaray Oo Ay Magaalada Buuhoodle Ka Abaabulayeen  Falal Admi Daro Oo Lagu Khal Khal Galinaayo Nabada Iyo Horumarka Somaliland
Sida Ay Helayso Warar Xog Ogaala Gabiley.Net,Waxaanu Wasiirku Hoosta Ka Xariiqay In Aan Marnaba Cali Khaliif Aanu Ka Ogolaanayn In Uu Marba Gacanta La Soo Galo Deegaanka Buuhoodle Waxaanu Yidhi””Hadii Aynu Nahay Beesha Dhul Bahante Waxa Aynu Ka Mid Nahay Dawlada Somaliland Waxaanaynu U Halgamaynaa Waxa Ay Dadka Ka Mid Ka Somaliland Hiigsanayaan Ee Ah Inaynu Ka Midha Dhalino Gobanimada AynU Hananay Si Ay Nu Ugaadhno Ictiraaf Caalamiya Oo Ay Ina Siiyaan Wadamada Caalamku
Waxaanan Ka Mooganayn In Beesha Dhul.Bahante Saluug Santahay Habka Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland Waana Ta Aynu Doonayno Inaynu Somaliland Kula Arrinsano Oo Aynu Hor Tagno Miiska Wada Hadalka
Waxaanay Tahay Dariiqada Aynu Ku Heli Karnaa Xaqa Inaga Maqan In Aynu Somaliland Ku Qancino Sida Aynu Rabno Waana Inoo Diyaar Run Ahaante Siyaasiyiin .Cuqaal Iyo Dhamaanba Bulshada Reer Somaliland
Cuqaasha Beesha Dhulbahante
Gudida Beesha Dhul,Bahante…Hadii Aanu Nahay Odayaasha Beesha Waxaanu Diyaar U Nahay Sidii Aanu Salka Ugu Dhigi Lahayn Nabad Galyada Somaliland Waxaananu La Dagaalami Doona Dadka Doonaya Inay Indhaha Isu Geliyaan Dadka Wada Daga Deegaanadaas Waxaanu Diyaar Unahay In In Aanu U Hogaamsano Awaamiirta Xukuumada Somaliland
Baahida Deegaanada Buuhoodle
Waxaa Deeganada Ay Degaan Beelahani Ka Jira Dubu Dhac Aad U Balaadhan Waxaana Waa Jiba In Laga Hawl Galo Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Arimaha Bulshada Sida Waxbarashada Caafimaadka Iyo Biyahaba Xukuumada Aad Ka Mid Tahay Waxaad Ugu Wer Geysaa In Ay Si Deg Dega Wax Uga Qabato Baahiyahaas Waayo Waa Wixii Loo Igmaday Xukuumada Somaliland Iyo Dhamaanba Laamaha Dawlada
Geba Gebo
Kulankan Oo Ahaa Mid Ka Duwan Kulamdii Hore Oo Wasiir Xaglo Toosiye Soo Hor Dhigay Go,aamo Ay Madaxa U Ruxeen Odayaashii Beesha Dhul Bahante Ayaa Lagu Rajo Weynyahay Inuu Noqdo Mid Midha Dhala
Sidoo Kale Cuqaasha Ayaa Sheegtay In Fidmo Wada Cali Khaliif Ay Ku Qancinayaan In Uu Faraha Kala Laabto Siyaasada Guracan Ee Uu Ka Dhex Wado Somaliland Taas Oo Cali Kahliifna Ku Soo Laa Luusheen Madaxda Dawlada Somaliya
Wasiirka Ayaa Waxaa Sii Socda Weli Kulamada Uu La Yeelanaayo Qaybaha Kala Duwan Ee Beelaha Dega Deegaanadaas Isaga Oo Ayaamaha Soo Socdana Ku Sugaan Doona Magaalada Buuhoodle
Halka Cali Khaliif Galaydhna Ku Dhuumaalaysanaayo Deegaano Ka Mida Hawdka Isaga Oo Ay Ku Wehelinayaan Xildhibaano Ka Tirsan Dawlada Federaalka Somaliya
Log1