Ogeysiis:Kulanka qaadhaan ururinta abaaraha Somaliland ee UK.

Hay’adda Horumarinta Geeska Africa ( EAD) waxa ay ku marti qaadaysaa bulshadda Somaliland ee degan dalka UK gaar ahaana magaalada London inay ka soo qayb galaan kulan qaadhaan loogu ururinayo abaarta ka dhacday deegaamo/gobolo badan oo ka mid ah dalkeenii.

Abaartaasi waxa ay saamaysay qoysas badan iyo wixii ay xoolo lahaayeenba, waxaanay aad ugu baahan yihiin biyo iyo baad degdega.

Waxaa kulanka laga jeedin doonaa muxaadaro diini ah iyo hadalo kale. Waxaa kale oo lagu soo bandhigi doonaa muuqaalo (video) ku saabsan baaxadda abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay dadkeenii.

Kulanka waxaa lagu gali doonaa £10.

Maalinta: 31st January, 2016, Axadda

Goobta: Lounge Royale , 1 Chignell place, West Ealing. W13 0TJ.

Wakhtiga: 3:30pm-8:30pm.

Ka soo qayb galkaagu waa muhiim.

Faahfaahinta kala xidhiidh: 07508621456/07958028138

Info@eastafricadevelopment.org www.eastafricadevelopment.org