DAAWO:”Sidii Keyntu u tashatay aynu tashano oo daabka kala baxno KULMIYE” Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo Xaflada soo dhoweyn ah loogu sameeyey Magaalada Bristol – Sawiro

Bristol (Gabiley.net) Waxa caawa  xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey magaalada Bristol guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadani iyo wafdi hoggaaminayo mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi.

Xafladan oo ka dhacday Hotel Future Inn ee badhtamaha Magaaladda Bristol ayaa waxaa ka soo qayb galay taageerayaasha Xisbiga Wadani ee magaaladda Bristol iyo Garabka Isbahaysiga KULMIYE ee Bristol oo madasha laga cadeeyey in aanay ku biirin Xisbiga Wadani balse ay maamuus ugu yimaadeen Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee booqashada ugu yimi magaalada ay degan yihiin, xildhibaanad Somaliyad ah oo Golaha Deegaanka ku jirta lagana soo doorto xaafada Lawrence Hill ee Bristol Cllr Hibaaq Jamac iyo dadweyne kale.

 

 

IMG_0150IMG_0130 IMG_0129 IMG_0128 IMG_0127 IMG_0005IMG_0126

IMG_0132

IMG_0002 IMG_0003 IMG_0004  IMG_0006

Wafdigan guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxa safarkiisa Bristol ku wehelinayay xubno ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Rayte iyo Xildhibaan C/raxmaan Xoog, waxa sidoo kale wehelinayay Maxamed Cismaan Fadal oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Wadani, Xuseen Aadan Cadde oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadani ee UK iyo Dhaqaaleyahan Daakir.

Ugu horeyn waxa wafdiga ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee magaalada Bristol Cabdi Iimaan oo sharaxaad ka bixiyey qaabka uu u shaqeeyo xisbiga Wadani ee Bristol mudadii koobnayd ee uu xilka guddoomiye hayayna kasbaday taageerayaal badan.

 

IMG_0007 IMG_0008 IMG_0009 IMG_0010 IMG_0011 IMG_0012

IMG_0137 IMG_0013 IMG_0014 IMG_0015 IMG_0016 IMG_0017 IMG_0018 IMG_0019

Waxa sidoo kale hadalo soo dhoweyn u badan u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Wadani xubnihii Isbahaysiga iyo odayaasha Bristol oo uu kow ka yahay Oday Muumin, Cabdi Diiriye  iyo Oday Xasan Haaruun.

Waxa iyaduna khudbad dhinacyo badan taabanaysa madasha ka jeedisay xubin Golaha Fulinta ah Marwo Layla Muuse Qulunbe oo aad ugu dheeraatay in aan Xisbiga Wadani marnaba ka caajisin mashruucii khayriga ahaa ee uu bilaabay oo ay hogaamiye ka tahay.

 

IMG_0020 IMG_0021 IMG_0022 IMG_0023 IMG_0024 IMG_0025  IMG_0085 IMG_0030 IMG_0031  IMG_0034 IMG_0035

Sabaax Cige oo ah afhayeenka Xisbiga Wadani ee Bristol oo xaflada ka hadashay waxay aad ugu dheeraatay in aanu Xisbiga Waddani ahayn xisbi qabyaaladeed ee uu u furan yahay dhammaan bulshada Somaliland oo dhan.

Waxa isaguna xaflada ka hadlay Maxamed Carab Wacays oo ah xoghayaha guud ee Xisbiga Wadani ee UK oo sharaxaad faahfaahsan ka bixiyey qaabka uu xisbiga Wadani u shaqeeyo iyo inay guud ahaan UK ku leeyihiin 20 laamood, magaalada Bristolna tahay laantii koowaad ee Wadani ee UK. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Bristol waa laanta koowaad ee Wadani ee UK,  iyadaana u horeysa xaga dhaqaale ururinta iyo is agaasinka xisbiga in kasta oo ay jiraan laamo kale oo ku daba jiraa” sidoo kale waxa uu sheegay in bishan January 15, 2016 Xisbiga Wadani ku soo bandhigi doono buugiisi doorashada magaalada London oo afka Ingiriisagana lagu turjumay markaa dhammaan in laga soo wada qayb galo ayuu ka codsaday taageerayaasha Waddani”.

 

IMG_0036  IMG_0040 IMG_0041 IMG_0042 IMG_0043  IMG_0047 IMG_0048 IMG_0049 IMG_0050

Waxa isaguna xaflada ka hadlay mudane C/raxmaan Xoog oo ay Oday Cabdi Diiriye kula kaftamay inuu baahiyaha biyaha aad uga hadlo ayaa sheegay in aanu ka hadalka biyaha ku koobnayne uu ka ka hadlo tacdiyada ciidamada RRD-du bulshada u geystaan, sicir bararka bulshada naafeeyey oo uu sheegay wakhtigii la doortay Golaha Wakiilada mushaharkoodu ahaa $ 500 Dollar hadana ay ka werweraan mushaharkooda oo ah $ 3000.  Sidoo kale waxa uu sheegayin dawladda KULMIYE ay lacagta Somaliland soo daabacdo, dabadeedana dollar u bedesho ka bacdi siyaasiyiin aanu cararbaabin guryo kaga iibsadaan Qurbaha.

Ugu danbayn waxa hadalka la wareegay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Wadani mudane C/raxmaan Maxamed  C/laahi oo khudbad kooban ka jeediyey xafladda isaga oo khudbada badankeeda u dhigtay xaflad lagu qaban doono LONDON 15 January oo lagu soo bandhigayo Buuga Xisbiga Wadani.  Balse waxa uu aad ugu dheeraaday in dadka wadankii jooga waliba dhalinyarada oo lagu wacyigeliyo inay is diwaangaliyaan, taas oo uu sheegay in dhalinyaradii ka shakiyeen diwaangelinta, wuxuuna yidhi ha tahribini is diwaangeli si aad wadankaaga uga hesho waxaad u baahan tahay.

Mar uu ka hadlayay arrinta ictiraaf raadinta waxa uu dadka kula kaftay malaha inaad Ingiriis tihiin iskuma haysataan, idinka oo halkan jooga ayaad ka qayb qaadan kartaan ictiraafka Somaliland tusaale ahaan Bristol miyaa laga waayay 1000 saxeex (Petetion) oo loo gudbiyo Parliament-ka UK, waxaanu dadka kula dardaarmay in qadiyada Somaliland meel looga soo wada jeedsado.

Ugu danbayn wuxuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyey kelmado ku jiray Gabay madasha laga tiriyey oo ujeedooyin badan xambaarsanaa oo uu tiriyey Abwaan Cawil Yuusuf Daahir “Sidii Keyntu u tashatay aynu tashano oo daabka kala baxno KULMIYE”.

 

IMG_0105IMG_0029IMG_0055IMG_0052 IMG_0056 IMG_0039IMG_0057 IMG_0062 IMG_0067IMG_0033 IMG_0069 IMG_0073 IMG_0078IMG_0027 IMG_0079 IMG_0082 IMG_0083 IMG_0084   IMG_0090 IMG_0091IMG_0045

Ugu danbayntii waxa xaflada shahaahdo sharafyo lagu guddoonsiyey Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Bristol Cabdi Iidaan, Khasnajiga Wadani ee Bristol Mustafe Mahdi Guuleed iyo Layla Muuse Qulunbe.

Naga filo goordhow xaflada oo muuqaal ah.

IMG_0095

IMG_0089 IMG_0096 IMG_0097 IMG_0094IMG_0098 IMG_0099 IMG_0100 IMG_0101 IMG_0102 IMG_0103   IMG_0108 IMG_0109 IMG_0110 IMG_0111 IMG_0112 IMG_0113 IMG_0114 IMG_0115 IMG_0116 IMG_0117 IMG_0118 IMG_0119 IMG_0120 IMG_0121 IMG_0122 IMG_0123 IMG_0124 IMG_0125 IMG_0126 IMG_0128 IMG_0129 IMG_0130 IMG_0131 IMG_0132 IMG_0133 IMG_0134 IMG_0135 IMG_0136  IMG_0138 IMG_0139 IMG_0140 IMG_0141 IMG_0142 IMG_0143 IMG_0144 IMG_0145 IMG_0148 IMG_0150