Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji (Aadan Wali) Oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Somaliland Oo Mayarka Iyo Golaha Deegaanka Gabileyba ku Aamanay Gurmadka Ay U Fidiyeen Dadka Abaaruhu Sameeyeen

Gabiley (GNN) Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji (Aadan Wali) Oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Somaliland Ayaa Mayarka GabileyIyo Golaha Deegaanka Gabileyba ku Aamanay Gurmadka Dag-Daga Ah ee Ay La Gaadheen islamarkana Ay U Fidiyeen Dadka Abaaruhu Sameeyeen

index

Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji (Aadan Wali) Oo Khadka Telephone kula Soo Xidhidhay Shabakada Caalamiga ah Gabiley.net ayaa Waxa uu u dhignaa Hadalkiisu Sidan.

“ Runtii Waxaan Jecelahay in Aan Halkan Uga Mahad Celiyo Mayarka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi iyo Dhamaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Gurmadaka Ay U Gurmadeen Deeganada Abaaruhu Saameeyeen ,Talaabadanina Waa Mid Ay Ka Helayaan Ajar Iyo Xasanad Waayo Illhay Simxana Watacalayee Waxa uu Yidhi Marka Aad isku Naxdaan ee Aad Hoos U Eegtaan Kuwiina Jilicda San Ayaan Ana Idiin Naxariisan Doonaa Takuladani iyo Gurmadkani ay u Fidiyeen Dadkoodii Hore ugu Huray Codkooda iyo Hantidoodaba waa Mid Aad u Wanaagsan Waxanan Leeyahay Halkasi Ka Siiwada,illhayna Ha idinla Garab Galo.

Aadan Maxamed Xaaji Waxa Sidoo Kale Wxa uu u,Mahad Celiyay Wasiirka Wasarada Maliyada Marwo Sam-Sam Cabdi Aadan Waxanu Yidhi
“Waxan Kale oo aan u Mahad Celinayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Iyaduna Gargaar Dag Dah ah U Fidisay Dadkii Ay Abaaruhu Ku Heleen Deegaanka Fara Wayne Iyo Deegaanadii Kale Ee Ay Gaadhsiyeen Biyaha Iyo Deeqihii Kaleba Waxanan Leeyahay Jasaa Kalahu Khayr.

Aadan Maxmed Xaaji isagoo Hadalkiisa Siiwata Waxa Kale oo Baaq Dheer U Diray Wasiirada Iyo Xildhibanada Golaha Wakiilada ugu Jira G.Gabiley inay Iyaguna Qaybtooda Ka Soo Qaataan oo ay Wixii ay Helikarayanba Soo Gaadhsiyaan Deeganadani Abaruhu Ku Habsadeen Waxanu Yidhi

Anigoo Halkani Uga Faaidaysanaya Inaan Kala Hadlo islamarkaasina Aan Baaq Uga Diro Wasiirada Iyo Xildhibanada Golaha Wakiilada Ee Ku Abtirsada Gobolkani Oo Aan Leyahay War Dadkiina Hoos Usoo Eega Oo Arka Waxay Ku Suganyihiin isna soo Garab Taaga Sida ay U Garab Taagan Yihiin Golihii Deeganka ee Dagmadani Gabiley.
Oo Garta Inay Masuuliyadi idinka Saarantahay Dadkani Maanta Dhibataysan Waxanan Idinkula Dardaarmayaa Inad Garatan Waajibadka Ay Idinku Leeyihin Dadkani ay Abaaruhu Haleelen Ee Ku Dhibataysan Buuraha Iyo Duurka Ee ay Gaajada iyo Haraadka U Dhimanaya  Oo Idinkuna Lasoo Gaadha Wax ay Quutan Iyo Biyo Ay Cabaan Waad Arkaysaan oo Waad Ka War Haysaan Sida ay Yihiin Xalkoodu Markaa waa Inad Garatan Masuuliyada Idinka Saaran illhayna Waa Idinku ee Gayaa.

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase
Gabiley.net
Gabiley office