War Deg-Deg Ah:Askari Boolis ah Oo Lagu Dilay Burco Iyo Shilal Kale Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Burco

Mid ka mida askarta ciidanka booliska ee ka hawgali jiray Saldhiga booliska ee
Xaafada Maxamed Cali ,ayaa caawa dhintay ka dib
markii dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray saldhigaa
askari kale oo booliska oo ka wada hawlgali jireen
saldhigaa. Sida wararku sheegayaan askariga  geeriyooday oo
lagu magacaabi jiray Showqi Cumar Yuusuf, ayaa u
dhintay feedh uu ku dhuftay askariga kale,balse
lama oga sababta keentay dagaalka labada askari, Waxaana wararku sheegayaan in askariga falka gaystay oo lagu magacaabo Mahdi Muuse gacanta
lagu hayo, Waa Askarigii labaad ee ka tirsan ciidanka booliska togdheer ,ee todobaad gudihii la dillo. Geesta Kale ,Isla caawa fiidkii
ayaa gaadhi landcruiser   ah
oo ku socda xawli aad u
sareeya ku jiidhay laba qof jidka hor huteel dal wanaaje ee magaalada burco. labadan qof oo loola cararay dhinaca cisbitaalada ayaa la
sheegay in uu soo gaadhay dhaawac culus,islamarkaana lagu daweynayaa cisbitaalka, Gaadhigan dadka jiidhay iyo wadihiiba waa la qabtay,waxaanay ku xidhan yihiin saldhiga booliska.

 

Gabiley.Net