War-farxadleh:Somaliland Football Association oo Shir Caalamiya kaga Qayb Galay Dalka Talyaaniga oo Guulaha ay ka Soo Hoyay.

 

Ilyas Mohamed iyo Guiled Aden oo aq balay ka qayb galka ciyaaraha Conifa World Cup 2016.

Kooxda Somaliland Football Association iyo charitiga Not4Gotten Foundation oo si mug iyo laxaadba ugu heelen horumarinta dalkooda iyo dadkoogaba oo guul u soo hooyey Somaliland. Kooxdan oo ka soo shaqayneysey in mudo ah horumarka dalkooda, kana go’an tahay in ay aduunka tusaan Somaliland. Waxay ka soo midho dhaliyeen sida tan.

Sabtidii 09/01/2016 Somaliland Football Association waxay ka qayb galeen Conifa Annual General Meeting oo ka dhacay dalka talyaaniga. Dalalkii kalfadhigaa Conifa ka soo qayb galey, waxay dhamaayeen 23 dal. Halkaas oo ay Somaliland, ku guuleysatey codkii ugu badnaa markii la footeeyey cidii la rabey in ay ka mid noqdaan ciyaaraha sanadkan. Goobtaas oo ay Somaliland ku heshey 170 cod.

Conifa oo matasha 320 milyan oo qof, ayaa halkaas ku ogaatey Somaliland halkey ku taal iyo waxay tahay.

Somaliland Football Association, oo maamusha kooxda Somaliland National Football Team UK ayaa ka qayb geli doonta ciyaaraha Conifa World Cup 2016, oo lagu qaban doono wadanka Abkhazia.

Guntii iyo gabo gabadii waa guul u soo hoyatey dadyowga reer Somaliland. Waxaanu lee nahay ha la taageero Somaliland Football Association, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Waxaanu mahad gaar ah u celineynaa Somaliland Football Association iyo Not4Gotten Foundation siiba Ilyas Mohamed iyo Guiled Aden.

Allaa Mahad Leh

Somaliland Football Association

www.not4gottenfoundation.com, @N4G_Foundation,