Wararkii U Danbeeyay Dawlada Saudi Arabia, Oo Qoorta Ka Jartay 47 Maxbuus, Oo Uu Ku Jiro Sheekhii Ugu Caansanaa Shiicada Saudi Arabia

Saudi Arabia-(GNN)- Dawladda dalka Boqortooyada Saudi Arabia, ayaa xukun dil ah ku fulisay 47 eedaysane, oo uu ku mid ahaa wadaadada Shiicada ah ee ugu magaca weyn dalka Saudi Arabia, oo lagu magacaabi jiray Sheekh Nimir Al-Nimir, kuwaas oo ay dawlada Saudi Arabia, sheegtay in lagu helay falal weeraro ah oo ldi ku ah amniga dalkaa, waxaana dadkan la khaarajiyay ku jira xubno lagu soo eedeeyay in ay xubno ka yihiin Urrurka Al-qaacida.

Sheekh Nimr al-Nimr, ayay ciidamada amniga Saudi Arabia, xabsiga u taxaabeen sannadkii 2012-kii, kaddib markii uu dhaliilay boqortooyada Saudi Ariba, taas oo keentay in ay taageerayaashiisu isugu
soo baxaan dibad bax ay horseed ka yihiin shiicada dalka Saudi Arabia.

sss 2.jpg

Dalalka Iran, Iyo Iraq, iyo dalalka kale ee shiicada ah ee xulufada ah, ayaa walaac iyo cabasho xoog leh ka muujiyay dilkan aadna u canbaareeyay Dilka dadkan la daldalay ee ku jiro Sheekhani, Iyada oo wadaadka weyn ee Ayatollah Axmed Khatami, dilkan ugu yeedhay danbi hordeedaya burburka qoyska haya talada boqortooyada Saudi Arabia, iyada oo masuuliyiinta dalka Iraq, ay sheegeen in ay ka fiirsanayaan in allbaabada loo laabo safaarada uu dalka Saudi Arabia, ku leeyahay dalka Iraq.

Agaasimaha Hay’adda Maraykanka ee Xuquuqal Insaanka u qaabilsan bariga dhexe Sarah Leah, ayaa si xoog leh u canbaaraysay dil wadareedkan noocan ah ee lagu daldalay maxaabiistan tirada badan, waxaana sidoo kale aad u canbaareeyay hay’adaha xuquuqal insaanka.

Waxa si aad ah loo xoojiyay amniga xaafadaha ay ku badan yihiin Shiicada ku dhaqan Saudi Arabiasi looga hor tago suurtagalnimada dibad-baxyo ay shiicadu sameeyaan.

Dilka maanta ayaa u muuqda mid lagu niyad jabinayo dadka Sacuudiga ah si ay uga gaabsadaan falalka xagjir-nimada ah, kadib markii ay sanadkii la soo dhaafay dad badan ay ku dhinteen qaraxyo iyo toogashooyin ay ka geysteen kooxo Sunniyiin ah dalka Sacuudiga, iyadoo ay kooxda Daacish ugu baaqday taageerayaasheeda iney weeraro ka fuliyaan boqortooyada Saudi Arabia.

Dilka loo geystay 47 ka qof ayaa la sheegay in uu ahaa kii ugu tirada badnaa ee dalkaa laga fuliyo tan iyo sanadkii 1980-kii, markaas oo la dilay 63 qof oo lagu eedeeyay iney afduub ku qabsadeen sannadkii 1979-kii Masjidka weyn ee Xaramka ee ku yaalla magaalada Barakaysan ee Maka al-Mukarama.

Source- Halkan Guji Oo Ka Akhri Faahfaahinta Warkan
http://news.yahoo.com/state-tv-saudi-arabia-executed-47-criminals-073445735.html
 

GABIEY.NET

GABILEY OFFICE