Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay In Hargeysi Badhtamaha Sannadkan Ay Biyo Ka Haqab Beeli Doonto, Is-barbardhig-na Ku Sameeyay Taageerada Xisbiyada WADANI Iyo KULMIYE

Hargeysa-(GNN)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cali Salaan Jirde (Cali-Shaambe), ayaa sheegay in marka la gaadho badhtamaha sannadkan cusub ee 2016-ka, ay guud ahaan magaalada Hargeysa, wada heli doonto biyo kuwada filan, waxaanu Wasiirku sidoo kale ka jawaabay su’aal la waydiiyay oo ku saabsanayd in xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, uu kaha taageero batay xisbul xaakimka KULMIYE, deegaanada beesha uu Wasiirka ka soo jeedo.

Wasiirka oo xafiiskiisa maanta ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi,

WASIIR CALI SHOOMBE(1)

”Markii aanu la tashanay ee aanu waraysanay qolada farsamo yaqaanada ah ee hawsha gacanta ku haya waxay noo sheegeen in hawshaasi ay ka dhamaanayso badhtamaha sannadkan cusub ee 2016-ka, annaguna waxa aanu ku rajo weynahay, iyada oo Jarmalkuna uu garab socdo, maaha mashruuc sugaya intuu kaasi dhamaanayo, waa mashruuc kaa soo socda la garab wadayo oo bilaabanaya oo waa baan qolada Jarmalka la xidhiidha, waxaanay wadaan in ay immika shirkadihii kala saaraan, shirkadahaasina in bishan koowaad ama ta labaad ee sannadkan in qandaraaskii biyo ballaadhinta Hargeysa, la siiyo, oo ay xaafidihii Hargeysa biyaha gaadhsiiyaan, markaa Isha Allaahu tacaallaa, hadii Illaahay qadaro badhtamaha sannadkan baahida biyaha ka haqab beelo.” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland.

Wasiirku isaga oo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay oo ahayd in xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, uu kaga adkaaday xisbul xaakimka KUMIYE, taageerada deegaanada beel ahaan uu Wasiirku ka soo jeedo, waxa uu yidhi,

”Xisbiga WADANI, waa xisbi qaran, nimanka galayna waa niman siyaasiyiin ah oo wadanka magac ku leh, laakiin sheegashada la leeyahay beel baa xisbi wada gashay, immikan may dhicin, dibna uma dhacayso, waayo beeshu shakhsiyaad badan oo caalamka ku kala baahsan ayay ka kooban tahay, oo kala argti duwan, ah sida ay shanteena farood kala yihiin ee ay u kala duwan yihiin, sida ay labada wallaalaha ahi u kala duwan yihiin ee ay u kala ra’yi duwan yihiin, ayay beeshuna u kala ra’yi duwan tahay, siyaasiyiintii reerkuna umay dhamaynoo annaguba waanagan xukuumada iyo xisbiga KULMIYE, ku jirna, Xisbiga UCID-na qaar badan ayaa ku jiraa, markaa ma jirto cid sheegan karta, waxaanan odhan lahaa horta dee koox baa gashay xaqna way u leeyihiin in ay hadba neeshii ay doonaan ay galaan, ninka siyaasiga ahina kolba halka uu is leeyahay wax baa kaaga dhow xaq buu u leeyahay, laakiin waxay tahay uun in hadalada qaarkood uun laga yara fiirsado.” ayuu hadalkiisii ku soo gebagabeeyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cali Sallaan Jirde, (Cali-Shaambe).

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE