War Deg Dega:Cali Khaliif Oo Saaka Ka Cararay Magaalada Buhoodle Ka Dib Markii uu Ka War-Helay Waftiga Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

map-buuhoodle

Qabqable Cali Khaliif Galeydh Ayaa Sidii Looga Bartay cagta wax ka dayey oo isag baxey magaalada Buuhoodle kadib markii uu soo gaadhey magaalada Buuhoodle wasiir xagla toosiye.

Safarkan Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayey Bulshada Reer Buhoodle Ku Warhaleen si Kadisa, cali Galeydh ayaa hore orod ugu soo galey buuhoodle kadib markii ciidamada  qaranku tageen tuulada Baliga cad oo uu ku dhuuman jirey.

Wararku waxey Sheegayaa In Khalkhal Ku Dhacay Kooxdaas khaatumo seeg Kadib Markii Ciidamada Qaranka SOmaliland Jiha Walba Ka Soo Degeen Gobolka Buhoodle Iyagoo Talaabo Adag Ka Qaadaya Cid Kasta Oo Isku Dayda Khalkhal Galinta Amaanka Dalka.

Warkan oo Faahfaahan Mardhow Kala Soco:Gabiley.Net