Xarumaha Danta Guud Ee Ay Dayacday Dawlada Hoose Hargeisa iyo Dhismayaal Sharci Darro Ah Oo Laga Dhisay.Guriga Danta Guud Ee Xisbiga,

Hargeisa(GNN):-Guriga Weyn Ee Uu Dhisay Maayirkii Hore Hargeisa Bile Farle Wakhtigii Maamulka Siyaad Bare, oo Ah Goob Weyn Oo Fooq islamarkaana Ahayd Goob taariikhiya Oo Bulshadu Wada Leedahay Si Loogu Adeego, oo Sidii Dalka Loogu Soo Noqday Dhismaheed oo wakhtigaasi aan la dhammaystirin, cidi aaney waxba ku kordhi balse ahayd goob inta badan fadhiisin u ah dad danyar ah iyo ciidanka booliska ee xaafada idaacada ama suuqa gobanimo, ayaa bishii u danbaysay waxaa ka socoday dhismayaal jiingado ah oo ay dhisanayaan dad rayid ahi, islamarkaana aan u haysan wax sharciya, iyadoo sida qawaaniinta iyo shuruucda somaliland sheegayaan aaney cidina dhisan karin ama degi karin xarun Dawladeed, Haddana Ilaa Hadda Ma Jiraan Wax Cadaymo ah Oo Faasaxaya Dhulkan Danta Guuda ee Habeenadii u Danbeeyeyba Ay Dad ganacsato ahi Saacadaha danbe dhisayeen.
12647619_144754849238637_28035479_n

12650381_144755072571948_1253240236_n

12660206_144756329238489_1456613479_n

12660448_144755075905281_885616623_n

ff
Dhisme ahaan Cabirka uu gurigan labada dabaq ahi ku fadhiyo oo aad u weyn ma uu helin Maamul qabyo tira oo halkii kasii aba qaada dhismaha gurigan oon dhameyn.
iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa jira dadyow iyagu sheegaya marka aad weydiiso ama aad la sheekeysato ku odhanaya waxaanu ogolaansho ka haysanaa maamulka dawlada hoose ee caasimada hargeisa, walow aanu jirin wax war ah oo kasoo baxay DHH ee caasimada haddana Ma Jiro Sharciyad Ogolaaneysa In Dhul Bulsho ka Dhexeeya Dad Gaari Ahi Sharciyeystaan,
inkasta oo aanu isku deyney inaanu arrintan wax ka ogaano maamulka dawlada hoose caasimada hargeisa nooma ay suurto galin inaanu ku helno khadka telefoonka.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
contactgabileynews@gmail.com