Xukuumada Somaliland, Oo Beenisay In Aanay Dadka Ka Soo Jeeda Koonfurta Soomaaliya Ku Jirin Dadka Shisheeyaha Ah Ee Somaliland, Laga Mastaafurinayo

Hargeysa-(GNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay dad Soomaali ah oo ka soo jeeda gobollada koofurta Soomaaliya oo deggan gobolka Sanaag, in lagu amray in halkaa kaga baxaan muddo toddobaad ah.

Badhasaabka Gobalka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac, oo u waramayay idaacada BBC-da, ayaa beeniyay in aan wax muddo ah oo ay halkaa kaga baxayaan loo qaban dadka Soomaalida ah ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, ee Gobalkaa ku sugan.

Badhasaabku waxa uu xusay in xukuumada Somaliland, ay soo saartay amar ay dadka shisheeyaha ah ee Somaliland, sharci darrada ku jooga ay dalka kaga baxaan, waxaanu carabka ku dhuftay in dadkaa shisheeyaha ah aanay ku jirin dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaliya,isaga oo sheegay in aanu jirin wax amar ah oo uu ku bixiyay in ay dadkani muddo kaga baxaan Gobalka.

Beenintan Badhasaabka ayaa daba socotay markii qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha Af Soomaaligu ay sheegeen in dad ka soo jeeda koofurta Soomaaliya, ay ka codsadeen madaxda Somaliland in aan laga saarin gobolka Sanaag, oo ay ka shaqeystaan.

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE