DAAWO:Ciyaartoygii Caanka Ahaa ee Zinedine Zidane oo Loo Magacaabay Tabaraha Real Madrid.

Madrid(GNN)- Mamulka sare ee kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaaciyay, tababaraha cusub ee kooxda oo ah, laacibkii waynaa ee Zinedine Zidane, waxaanu badali doonaa tababarihii kooxdaas, Rafael Benitez oo culays wayni saarnaa muddooyinkii ugu danbeeyay.

Kooxda boqortooyada Spaine ee Real Madrid ayaa hoos u dhac iyo guul daro is dabo joog ah, la kulantay todobadii bilood ee ugu danbeeyay, waxaanay taasi sababtay in tababarihii kooxdaas shaqada laga eryo laguna badalo Zidane oo isagu mar ahaa weerar yahanka kooxda Real Madrid.

 

Log1