Boqor Buurmadow oo si adag uga hadlay doodda ka taagan xadhigga Cumar Caydiid xisbiga Waddanina uga digay inuu hannaan qabyaaladaysan arrintaas ku dibin-daabyeeyo.

Hargeysa(GNN):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee reer Somaliland, ayaa si adag uga hadlay doodda ka taagan xadhigga xukuumaddu kula kacday ganacsade Cumar Caydiid, waxana uu xisbiga Waddani uga digay inuu hannaan qabyaaladaysan arrintaas ku dibin-daabyeeyo.

Boqorka oo isagoo ku sugan dalka Imaaraadka carabta u warramay warbaahinta, ayaa foolxumo iyo wax laga xishoodo ku sifeeyey in xisbiga mucaaridka ah ee Waddani si qabyaaladaysan usoo abaabulo dad arrinta Cumar Caydiid ka hadlaya, “Rag maalin walba af WADDANI ku hadlaya oo qabyaaladaysan oo mar garxajisaynaya, marna habar magaadlaynaya oo waxtarkii cirro ilaa Balli-dhiig lagu geeyey maalin walba haddii afbeelaysan iyo qabyaalad lagaga hadlo waa ayaandarro, haddii Hogaanka xisbiga iyo Cabdiraxmaan ay raalli ka noqdaanna waddada ugu haboon ayaanu kaga hadli doonaa.”ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqorku waxa uu tilmaamay inaan la aqbali Karin hannaanka xisbigaasi abaabulka beelaysan ugu jiro, waxana uu yidhi,“Raggii Burco ka lahaa Oodi ab ka dhaw maalin walba in dhexdooda af reeraysan lagaga hadlo wax laga dulqaadan karo ma aha, mar haddii xukuumaddii iyo madaxweynihii ay reer noqdeen waa arrin la yaab leh oo aynaan ka tallaabsan Karin.”

Boqorku waxa uu farriin u diray beesha Cabdiraxmaan cirro, waxana uu kula taliyey inay si hagar la’aan ah arrinta u galaan,“waar ragga leh Garxajis baa la isku dilayaayow waa salaadiin tiiniye hagaajiya oo qabsada, Cali marreexaan-na ma haysto dhulkaas xukuumadduna khalad bay u bixisay madaxweynuhuna wuxu geyaa inuu hantidiisa ku kala furto, ragga leh beel baa la isku dilayaa ee garxajisnimada baadi doonayow salaadiintiinii baa meesha haystee ka kexeeya, beesha Ciidagale ee aad codka ka doonaysaanna Balloodhka uga taga, annaba maalintii aanu talada dalka doonaynay iska daa balloodh oo guryahayagii Cardif iyo dahabkii haweenka ayaanu u xaraashnay.” Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqorka oo farriin u diray guddoomiye Cirro, ayaa waxa uu yidhi,“Cirrooy inaad ina Caydiid oo xidhan ka dul baroorato ma ahee waa raggii ku waday ee WADDANI ahaaye ka kexee oo nin baloodh kala furan waaya ha noqonin, shalayna naanays bay keentay in markii Cabdiraxmaan tuur la doortay halkii laga dhisi lahaa xabbad baa dadka lagu bilaabay, maantana innagoo galbinayna haddaad Cabdiraxmaan Cirro xabad isla dhinac taagaysaan oo raggana leedihiin isa sima dee geel la daaqdeennii hore innagay inoo taallaaye ka joogaan leeyahay.”

 

GABILEY.NET