Ciidamada Somaliland ee Jiida Hore oo Cagta Mariyay Milaashiyada Maamulka Puntland.

habeenkii xalay ayaa waxaa dagaal xoogani ka dhex qarxay ciidamada somaliland iyo ciidamo ka socda maamulka xasarada badan ee puntland waxaanu dagaal ku ka dhacay deegaanka dixin oo ka tirsan gobolka sool ,dagaalkan oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa culus ayaa waxaa uu ka bilaamay ka dib markii ay deegaankaas gaadhay maamul daadejinta somaliland halkaas oo ay ka masayreen maamulka puntland

maamulka xasarada badan ee puntland ayaa waxa ay maalintii shalay soo dhoobeen ciidamo aad u tiro badan duleedka deegaanka dixin kuwaas oo u jeedkoodu ahaa in ay la wareegaan deegaankan intaa kadib dadweynaha ku nool deegaankaas ayaa ku war geliyay ciidanka somaliland in ay qas ka wadaan deegaanka maamulka xasarada badan ee puntland
intaa kadib ciidan qaranka somaliland ee ku sugan jiidaya ayaa waxa ay dagaal foolka foola la galeen qaar ka mida ciidamada ka socday maamulka puntland kuwaas oo doonaayay in ay si dhuumaalaysi ah u galaan godaha deegaanka ayaa waxa ay kala kulmeen weerar ka fajiciyay ciidanka puntland waxaana markiiba soo gaadhay deegaanka waxaana halkaas ka bilaamay dagaal soconaayay mudo saacado ah
ciidanka puntland ayaa iskaga yaacay goobtii ay ku sugnaayeen waxaana ciidamada somaliland ka qabsadeen sadex gaadhi oo kuwa dagaalka ah
wararka aanu ka helaysno deegaankaas ayaa sheegaya in ay xaalada deegaanku hada dagantahay balse ay qaar ka mida siyaasiyiinta puntland ay abaabulayaan dagaal ay doonayaan in kaga jawaaban jabkii ka soo gaadhay ciidamada somaliland
sidoo kale dadka ku sugan deegaanada gobolka sool ayaa sheegaya in ay bar bartaagan yihiin ciidankooda isla markaana wax alaale iyo wixii ka dhan ah ciidanka puntland aanay faraha kala laabanayn.