DAAWO Sawirada:Safaarada Somaliland Ee Itoobiya Oo U Guurtay Dhisme Cusub Oo Aad U Qurux Badan

Safiirka Somaliland Ee Dalka Itoobiya Maxamuud Aadaan Jaamac Galaal Ayaa Bartiisa Interneka Qoraal Gaaban Oo U Soo Dhigay Waxay U Dhignayd Sidatan:”Safaaradda Jamhuuriyada Somaliland:-Waxaan Filayaa In Ay Safaarad Ahaan Iminka U Dhiganto Safaaradaha Kale Ee Beesha Calaamka Qaarkoodna Ay Ka Muuq Iyo Arag Roontahay,ileen  Hugaaguna Wuu Kula Shir Tagaaye”.
Markii Xilka Lay Dhiibay Ee Aan Imi Addis-ababa Xafiis Liaison Office ah Baynu Meesha Ku Lahayn .
Muuqaalka Xafiiskaas Horena Waxaan Filayaa In Dadka Badankiisu Arkay ,Maanta Waa Permanent Diplomatic Mission Waxaana Dowlada Itoobiya U Qortay Afar Askari Oo Afar Iyo Labaatanka Saacadood Ilaaliya Sida Safaaradaha Dowladaha Calaamka Ee La Aqoonsan Yahay .
Inkastoo Hawl Weyn Gashay Qabyano Aanay Si Hawl Yar U Dhamaanin Hadana Galllad Ilaahay Halkay Marayso Iyo Saansaanta Muuqaba.

Log11