DAAWO:-SIYAASIGA CABDI HAYBE MUXUMED OO KA DIGAY INAY XUKUUMADU IIBISO SALDHIGA DHEXE IYO XERADA BIRJEEX, FARIINA U DIRAY DADKA DEEGAANKA XERADAASI

Hargeysa(GNN):-Siyaasiga Cabdi Haybe Muxumed oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay qorshaha ay xukuumada somaliland ku caan baxday ee ay ku iibinayso dhulkii danta guud ahaa.

Cabdi Haybe oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xisbiga Wadani qabsaday ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay dhulka danta guud ah ee ilaa haatan la hadal hayo inay xukuumadu iibinayso isaga oo fariin u diray dadka deegaan ahaan iska leh dhulkaasi.

Ugu horayn Cabdi Haybe oo ka hadlaya dhulka tirada badan ee ay xukuumadu iibinayso ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sida aynu la socono wadanka dhibaatooyinka ka socda waynu wada ogsoonahay, in dhulkii boob lagu hayo iyo guryihii dawlada imikana waxa la sheegayaa in xeryihii ciidamada la iibinayo saldhiga dhexe-na la iibinayo, iibkan socdaa waxa uu u muuqdaa si aan meesha waxba loogu soo gaadhin.”
Cabdi Haybe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay xukuumadu iibin Karin saldhiga dhexe iyo xerada ciidamada ee Birjeex, isaga oo fariin u diray dadka deegaanka xerada birjeex waxaanu mar kale yidhi “Meelahan iibka laga raadinayo ee xerada Birjeex waxa iska leh xaafada Axmed Dhagax waana halkii xaafadu u fidi lahayd markaa iib la iibiyo wax dhici kara maaha, xaafada Axmed Dhagax-na waa inay ka dagaalantaa, saldhiga Dhexe Jirde Aw Cali Ayaa lahaa oo beertiisa ayey ka mid ahayd oo isaga ayaa dawlada siiyey markaa haday iib noqoto meeshaas waxa leh reerkii lahaan jiray oo beerta Jirde Aw Cali ayey ka mid tahay, Sheekh Bashiir ayaa la hadal hayaa in imika la iibinayo, waxaana ka sii daran haweenku Hargeysa waxay ku lahaayeen dugsi la odhan jiray iskuulka Dumarka kaana marwad koowaad ayaa qaaday oo qof siisay.”

Sidoo kale Cabdi Haybe waxa uu sheegay inay xukuumadu iibisay dugsiyadii ay dumarku ku lahaayeen dalka gaar ahaan kii Hargeysa waxaanu yidhi “Dumarku sadex iskuul ayey lahaayeen wadanka mid Hargeysa Mid Burco Ah iyo mid Boorama ah, kii Hargeysa waa taas la qaatay ee lagu kala tagay, waxyaalahan socda wax lagu soo gaadhi doono xisbigan Kulmiye garan maayo, waa Dulmiye waana Murdiye, xisbiga Waddani waxa weeyaan xisbiga kaliya ee maanta muuqda ee wadanka u baxaya wadanka.”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkaas Oo Dhamaystiran