DAAWO:Kulan Lagu Caawinayo Agoonta Laascaanood Oo Magaalada London Lagu Qabtay + SAWIRO.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyardaa Frainds Of Lascanod oo saldhigoodu yahay magaalda London ee Cariga Ingriiska ayaa waxaa lagu daahfurayey mashruuc lagu caawinayo agoonka da,yarta ah ee kunool Gobolka Sool.

Mashruucan oo ah mid Khayri ah ayaa waxaa fikradiisa curiyeen dhalinyaro kasoo jeeda gobolka sool oo ku hawlan waxka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee kajira gobolka Sool,Faadumo Noor Oo kamida aasaasayaasha Mashruucan khayriga ah ayaa ugu baaqday dhamaan bulshada soomaaliyeed inay ka qayb qaataan daryeelka caruurta agoonta ah ee soomaaliyeed iyadoo sidoo kale sharaxaad ka bixisay sida looga qayb qaadan karo mashruucan oo ah mid aad si fudud gacan uga gaysan kartid meel kasta oo aad aduunka ka joogto  adigoo raacaya Linkeska Hoos ku qoran .

intii ay socotay munaasabadan ayaa waxaa lacago ugu dheeqay mashruucan intabadn dadkii kasoo qayb galay waxaana goobta lagusoo bandhigay Gabayo, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo madadaalooyin kale iyagoo dhalnyaradani balanqaaday inay qaban doonan xaflado kale oo dhaqaale loogu uruurinayo agoonta gobolka sool

IMG_0082

IMG_0085

IMG_0100

IMG_0095

IMG_0118

IMG_0122

IMG_0127

IMG_0138

IMG_0143

IMG_0150

 

 

Log1