DAAWO:Qurba Joogta SL Ee Imaaraadka Carabta Oo Deeq Lacageed U Soo Diray Deegaanada Abaartu Saamayeen + SAWIRO.

Hageysa(GNN)-Mudoyinkii ugu Dambeeyey Deegaanada Somaliland Waxa ka Jiray Abaaro baahasan Oo dad iyo duunyaba Saameeyay, qaar kamid ah qurba joogta reer somaliland ee ku nool dalka isutaga imaaraadka carabta ayaa deeq lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan Xubno ka mid ah gudida gurmadka abaaraha heer qaran, Isla markana ka mid ah Guddida Dhismaha Dawgacad.

Munasibada lagu gudomayey lacagtan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Xusen Yasiin Ciise oo isgu ku hadlaayey afka qurbo-joogta Deeqdan lacageed sooo diray, isaga oo sheegay in ay dadaal badan ugu jiraan reer imaaraad sidii ay dadkooda abaaraysan Taakulo u soo gaadhsiin lahaayeen.Geesta kale Sheekh Cabdiqadir Xaaji Jaamac iyo Cali Adam oo ka mid ah xubnaha Gudida Gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa iyaguna ka mahad celiyey deeqdan lacageed ee ay qurba-joogta Somaliland ee imaaraadka Carabt soo gaadhsiiyeen walaalahhooda abaaruhu saameeyeen iyaga oo sheegay in ay gaadhsiinayaan halkii loogu talogalay.

dhanka kale Xukuumda Saliland, Qorbajoogta kala duwan iyo Shaqsiyaad iskood isu abaabulay ayaa Mucaawimoyin kala duwan waxay Gaadhsiinayeen Deegaanada ay abaaruhu ku Habsadeen.

Log11