DADWEYNAHA REER GABILEY OO SOO DHAWEEYAY BADHASAABKA CUSUB EE LOO SOO MAGACAABAY XAMSE CADOW-YUURARA

Gabiley(GNN)-Qeybo kamid ah Dadweynaha kunool Gobolka Gabiley, ayaa si diiran usoo dhaweeyay Gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi(Xamse Cadow Yuurura), oo ah Aqoonyahan Ganacsade daacad ah oo wax ka qaban kara Hurumarka iyo dhiirigalinta Bulshada Reer Gabiley la damacsan tahey Gobolkaasi.

Maxamuud Cabdi Faarax Ismaaciil oo kamid ah dadweyanaha Reer Gabiley ayaa, sheegay in ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan Gudoomiyaha Cusub ee wakhti xaadirkan loo soo magacaabay Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo ah aqoonyahan daacad ah oo ay siweyn isu fahmi doonaan dadweynaha Reer Gabiley.
“Aad iyo aadbaan usoo dhaweyneynaa Gudoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Gabiley Xamse Cadow-yuurura waxaanu qabnaa hadaanu Reer Gabiley nahey in aanu ninkaasi xogtiisii helnay oo aanu ku ogaanay inuu yahey nin aan xilka usoo shaqo tagin laakiin magac iyo Waxqabad iyo Taariikh usoo doontey waanu kusoo dhaweyneynaa waananu kula shaqeyneynaa insha-alaahu gacmo furan kusoo dhawoow”Ayuu yidhi.

Waxaanu intaa ku darey in ay ku dardaarayaan in uu ahmiyada ugu weyn siiyo Waxqabadka Arimaha Bulshada laakiin aanu ka badbadin,guulwadanimo iyo cayda Siyaasiyiinta iyo Wasiirada bilaa…… xaalad abuurna noqonin .

Gudoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi(Xamse Cadow-yuurura),ayaa kamid ah Aqoonyahanka Gobolka Togdheer islamarkaana, ah shakhsiyad ku sifaysan daacadnimo dulqaad qunyar socod,iyo dad la dhaqan wanaagasan isagoo mudo badan kamid ahaa Ganacsatada Gobolka Togdheer waxaana lagu wadaa in uu bulshada Reer Gabiley kala qeyb qaadan doono dhinacyada Arimaha Bulshada oo uu si dhab ah oo xaqiiq ah ugala hawlagli doono maadaama ay mudo kujireen arimahaasi nidaam khiyaali ah iyo Xaflado madhan, Waxaanu Xamse noqonayaa Gudoomiyihii heer Gobol ee lixaad ee loo soo magacaabo Gobolka Gabiley tan iyo intii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada dalka gacnata ku qabatey,wallow Reer Gabiley ay gawska dambe u qaniinsan yihiin Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmie labadaba.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE