DAAWO:Hay’adda EAD oo ku wareejisay Tabarucaad Gudida Hoodaale.

Hay’adda EAD oo maanta ku wareejisay Tabarucaadkii abaaraha $22340.70 GH Hoodaale. Lacagtaas oo biyo dhaamis degdega loogu samayn doono dadkeena abaaruhu ku habsadeen degaamada ugu daran. Tabarucaadkaas oo bulshada reer Somaliland ee UK ugu soo deeqeen walaalahooda abaaruhu waxyeeladu kasoo gaadhay. Waa markii labaad ee Hay’adda EAD ay gaadhsiiso Caawimo bulshadeena dalkeenii ku tabaalaysan

Haddii aad rabto inaad Sadaqad ku darsato Gurmadka abaaraha dalkeena, fadlan kusoo hagaaji Sanduuqa abaaraha Dahabshil HRGD34184 East Africa Development (EAD ) . Wixii faahfaahina noogu soo hagaaji Hay’adda EAD Info@eastafricadevelopment.org   www.eastafricadevelopment.org