Hay’adda Khayriga Ah Ee Al-Huda Oo Deeq Timir Ah Gaadhsiisay Deegaano Ka Mid Ah Gobolada Hawd Iyo Gabiley + SAWIRO.

Hargeysa(GNN)-Deeqdan oo ahayd mid timir ayaa la gaadhsiiyey dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada labada gobol, iyada oo ay dadka deegaanadaasina ay aad ugu baahan yihiin in la soo gaadhsiiyo gargaar cunto iyo biyo ah.

Madaxa mashaariicda hay’ada Khayriga ah ee Al Huda Axmed Ibraahin oo ka hadlay deeqdan raashinka ah ee ay gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada gobolada Hawd iyo Gabiley ayaa Hadhwanaagnews u sheegay sidan “Waxaanu deeq timir ah gaadhsiinay deegaanada ay abaaruhu saameeyeen oo ka mid ah  gobolada Hawd iyo Gabiley, anaga oo qofkiiba siinay 12 kiiloo oo timir ah oo aanu rajaynayno inay wax badan u tari doonto maadaama oo ay abaar ba’ani hayso, deegaanada aanu gobolka Hawd gaadhsiinay deeqdan timirtan ayaa waxay kala ahaayeen Gunburaha, Kaabada Bari, Darfacle, Ina Cunaaye, Warta Maxaad Fanax, Baargoo, Masaajidka, Degmada Sayla, iyo Gumar, dhinaca gobolka Gabiley waxaanu deeqdan timirta ah gaadhsiinay dawlada hoose ee degmada taas oo aanu u xilsaarnay inay dadka abaaruhu saameeyeen gaadhsiiso.”

Sidoo kale madaxa mashaariicda hay’adda Al Huda waxa uu sheegay in dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada gobolka Hawd ee ay soo mareen u badan yihiin dad u baahan cunto, waxaanu ku baaqay in la joogteeyo gargaarka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Waxaanu ugu baaqay cid kasta oo jecel inay taakulo gaadhsiiso dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada kala duwan ee dalku ay taakuladooda ku soo hagaajiyee hay’adda AL Huda, isaga oo sheegay inay gaadhsiin doonaan cida loogu tala galay.

Wiixi Taakulo Ah Waxa Lagu Soo Hagaajin Karaa

Islamic Da’wa Organization Al Huda

Acounta: Dahabshiil 43461