Kalluumaysato Xeebta Ceelaayo ee Darafka Bari ee Somaliland Oo Ciidamada Maamulka Puntland Kaxaysteen.

Hargeysa(GNN) 15 qof oo ka mid ahaa Kalluumaysatada deegaanka Ceelaayo ee Sanaag Bari, ayaala la’yahay meel ay geeyeen Ciidamada Puntland u adeega ee loo yaqaanno Saarisanta, kuwaas oo dhowaan weerar ay ku soo qaadeen deegaankaasi ku kaxaystay 15-ka nine e ka mid ahaa kalluumaysatada deegaanka Ceelaayo oo dhalasho ahaan ka soo jeeda bariga sanaag.

Dadka ku dhaqan deegaamada Bariga Sanaag, ayaa QorilugudNews  u sheegay in la la’yahay illaa hadda meel ay ku sugan yihiin raggan kalluumaysatada ah ee ka soo jeeda deegaanka ceelaayo, kuwaas oo markii ugu dambaysay ay deegaankaasi ka kaxaysteen ciidamada maamulka Puntland oo weerar ku soo qaaday kalluumaysatadaasi.

Kalluumaysatadan reer Ceelaayo, ayaa halkaasi ay ka kaxaysteen ciidamada Puntland iyaga oo ku guda jira shaqooyinkooda kalluumaysi ee ceelaayo, kuwaas oo aan la garanayn sababta ay ciidamada Puntland ugu soo duuleen ee ay u kaxaysteen raggaasi, waxaanay wararku sheegayaan in ay ula keceen ciidamadaasi raggan kalluumaysatada ah dhinaca Puntland, mana jirto wax war ah oo dambe oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan meel raggaasi la geeyey.

Weerarkan ay Ciidamada Puntland ku soo qaadeen deegaanka ceelaayo ee bariga sanaag, ayaa ah faro gelin qaawan oo ay maamulkaasi ku sameeyeen dalka Somaliland, isla markaasna ay sifo sharci darro ah ku soo weerareen raggan kalluumaysatada ah ee ay kaxaysteen, mana jirto wax war ah oo ay Somaliland ka soo saartay faro gelintaasi iyo raga ay ka kaxaysteen ceelaayo ee u dhashay Somaliland.

 

 

Log1