Kaluumaysatada Berbara oo Cabasho Ka Muujiyay Wasarada Kaluumaysiga Somaliland oo Ay Ku Sheegeen in Kaluunkii Muqdisho Loo Soo Fasaxay Hargaysa

Berbera(GNN-Kaluumeysatada ka Kaluumeysta Xeebta Bada Cas ee Saldhigeedu yahey Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa, qeylo dhaan wadareed oo ay kaga cabanayaan Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga Cali-Buureed ay qeylo dhaantan xoogan afka gacanta iska galiyeen kadib markii ay xaqiijiyeen sida ay Warbaahinta u sheegeen in Kaluunkii laga soo waaridey Magaalada Muqdisho ee Xarunta Koonfurta Soomaaliya Wasiirku usoo fasaxey Somaliland.

Maxamed Nuur Xasan (Qadaafi) oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Shirkadaha Kaluumaysiga Kaluumeysatada Xeebta Berbera oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews xogwaran dheer ka siiyey halka ay marayaan xaalada Wasiirku u badheedhay iyo Go,aanka ay ka qaateen Kaluumaysato ahaan iyo asbaabaha aaney marnaba suurtagal u noqon Karin Wakhti xaadirkan in Kaluunka Muqdisho iyo Ka Berberi wada qaadi karo Sayladaha Kaluunka lagu iibsado ee Caasimada Somaliland Hargeysa.

“Arintani ma aha mid cusub waa arin hore uu Wasiirku u dhaqdhaqaajiyay in Kaluunka Muqdisho loo soo fasaxo Hargeysa iyo Somaliland run ahaantiina Saylada ugu weyn ee kaluunku waa Hargeysa laakiin waxaanu ka codsaney maadaama aaney xiligan iyo beryahan Saylada Hargeysa ee Kaluunku wada qaadan kaereynin kii Xeebta Berbera iyo Xeebaha Somaliland in laga joojiyo Kaluunka Muqdisho ee laga soo ugaadhsado Badweynta Hindiya haseyeeshee, hada ayuu mar kale arintaasi soo cusboonaysiiyay markii hore haba yar hakiyee waxaanu ku xaqiiqsanay Agaasimaha Guud markii aanu la xidhiidhnay toos ayuu noogu cadeeyay anaguna arintaasi aqbali mayno sikasta oo ay tahey iyo meel kasta oo uu kasoo fasaxo Xukuumada ayaanu uga dacwooneynaa Shacabka Somaliland ayaanu uga dacwooneynaa Ganacsatada Somaliland ayaanu uga dacwooneynaa sinaba ku aqbali mayno,siday suurtagal ku tahey CXashuurtiibaanu idinku kordhinay iyo Kaluun kalew ayaanu idinku soo fasaxeynaa”Ayuu yidhi Maxamed Nuur Xasan (Qadaafi),.

Gudoomiye Kuxigeenka Kaluumaysatada Berbera oo Gabiley.net u Waramay waxa uu shaaca ka qaadey in guud ahaanba habdhaqanka iyo talaabooyinka Wasiirka Kaluumeysigu ku aadan Siyaasada Kaluumeysatada iyo Xukuumada xidhiidhkii u dhaxeyn lahaa ee Muwaadinimo uu dabarka u gooyay islamarkaana, talaabooyin dilaalis iyo laac laac ah uu ka dhex wado Kaluumeysato aan Somaliland shaqo ku laheyn isagoo ku sababeeyay maadaama aan Suuq badan oo kaluunkoodii kafeeyaa jirin in wixii lagu soo fasaxo ee Kaluun ahi yihiin arimo dheeraad ah.

Waxa kale oo uu Xusey Mr Qadaafi in Wasiir Kuxigeenkii hore ee Kaluumeysiga Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo dhawaan loo badelay Wasaarad kale aanu marna ula dhaqmin sida Wasiir Cali Buureed laakiin uu uga lexejeclo badnaa Kaluumeysatada marka loo eego arimo badan kulamo door ah oo ay isugu yimaadeen sida uu hadalkiisa u dhigay. Sikasta oo ay tahey Kaluumeysatada xeebta Berbera ee uu bar kulanka ku noqdo had iyo jeer Kaluumeysiga Xeebaha Somaliland ayaa indhawaale siweyn uga cabanayey in aan Wasaarada Kaluunku ahmiyad badan siinin sidaa daraadeedna ay dhibaatooyin badan la kulmaan.
GABILEY.NET
BERBARA OFFICE