Khubaro Caalami Ah Oo Natiijo Hordhac Ah Ka Soo Saaray Baadhitaanka Diyaarada Daallo

Khubaro caalami ah oo baadhitaan ku haayey waxyeelada soo gaadhay diyaaradda Daallo Airlines ayaa natiijo hordhac kasoo saaray baadhitaanka ay wadeen.

Kooxdan oo u dhalatay dalka Mareekanka ayaa sheegay in la rumeysanyahay waxyeelada diyaaradda in loo maleenayo bam diyaarada gudaheeda la dhigay oo qarxay markii ay hawada gashay.

Sarkaal ka mid ah kuwa baadhitaanka ku wada diyaadda ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradda uu ku qarxay bam la dhigay gudaha diyaaradda kaas oo uu ku dhintay hal ruux oo ka mid ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa.

Waxa ay sheegeen in uu sii kordhayo tuhunka laga qabo in Shabaab ay ka dambeysay weerarka diyaaradda ee la doonayey in lagu galaafto nolosha dad badan .

Dowlada Xasan Sheekh oo dhibaato xagga amiga ay hadheysay ayaan wali ka hadlin baadhitaanka in ka badan 70, saacadood socda.

 

 

Log1