Kulan Saddex Geesood Ah Oo Xukuumadda, Guddida Doorashooyinka Iyo Axsaabta Qaranku Kaga Arinsadeen Degaano Aan Hore Looga Codayn Jirin + Sawiro

Kulan saddex geesood ah oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada uuna shir guddoominaayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayna ka qayb galeen Madaxda Saddexda Xisbi Qaran iyo Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa lagaga arrinsaday sidii go’aan iyo tallo midaysan looga gaadhi lahaa goobo aanay hore uga dhici jirin Doorashadu oo aan laga codayn jirin. Sidaana waxaa lagu shaaciyay War-saxafadeed uu nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com kaas oo u dhignaa sidan.

64e3567b-b9f1-4146-84d7-d9f24ad32bfa5813d5b2-c462-4ed3-b9d0-89a7357c05be0a9a3469-f16d-4d5e-af0b-e0af552f34fde69779e5-2f68-4c18-aa68-bef7013eb7e65099d741-9291-42b6-a8aa-41f419d12572c0ac7bbc-1226-4679-bb2e-2006ee18e1a6b99352ea-e8b3-4614-951b-e96ad5ef4db968457050-2f2c-4e4c-b70a-90db211655b664e3567b-b9f1-4146-84d7-d9f24ad32bfafa09f202-6379-4cae-b184-11b88b5395cc522edb15-15b4-412d-938d-362fe638c8ede69779e5-2f68-4c18-aa68-bef7013eb7e6

War-saxafadeed: Kulan Saddex geesood ahaa oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada.

Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey Ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd ee qeexaysay in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

Goobaha oo kala ahaa:

Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku kulmaan Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.

Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL