Maayarka Magaalada Berbera Oo Booqasho Kormeer ah Ku Tagey Marsada Ceel Gerdi+Sawiro

Waxaa Maanta Dhisamaha Marasada Caalamiga Ah Ee Ceelgardi Soo Dhaweyn Loogu Sameeyay Duqa Degmada Berbera Iyo Tobban Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada BerberaUjeedada Booqashadan Ayaa Ahyd Markii Qaar Ka Mid Ah Wax Magaratada Aan Horumarka Jeclayn Ee Reer Berbera Ay Ku Cataabeen Inaan La Dhisi Karin Marsada Ceel Gerdi Ayaa waxay Tani Jawaab Cad U Tahay Sida Uu Duqa Degmada U Jeclahay Horumarka Ka Socda Guud Ahaan Gobolka Saaxil


Khudbad kooban oo uu halkaa ka akhriyey mr cabdishakuur ayaa waxay ahayd in uu aad ugu faraxsan yahay bineynta marsadan cusub waana wax usoo kordhey deegaan kan iyo guud ahaanba gobolka islamarkaana ay aad usoo dhaweynayaan isaga iyo masuliyiinta jecel horimarka iyo kobaca dhaqaale ee gobolka, isagoo sheegy in waliba dedaalkeeda la sii laban laaabo madaama aanay degaanada barigu lahayn dekad kaluun marka laga reebo ceel-daraad,

Hadaba booqashada uu booqdey duqa magalada berbera marsada ceelgardi waxay wajigabax iyo dhirbaaxo lama filaana kunoqonaysaa kaathiriintii diidanayd in ay hirgasho marsadaaasi oo la bilaabay wakhtigii ku habooonaa.

M.A. Suldan

Berbera freelance journalist