MASUULIYIINTA XISBIGA UCID OO KORMEER KU SAMEEYAY GOOBAHA AY DIWAAN GALINTU KA SOCOTO EE GOBOLKA AWDAL.

Boorama(GNN)Xisbig Cadaalada iyo Daryeelka UCID ayaa maalmahanba kormeer indho indhayn ah kusoo maray goobaha ay diwaangalinta Gobolku ka socoto, waxayna kumishanka doorashoonyinka ku dhaliileen culayska intarnedka oo keenay safaf dhaadheer iyo qaabka farsamo ee ay kumishanku u wadaan hawlaha diwaangalinta codbixiyaha.

u1(25).jpg

Waftigan oo uu horkacaayey xoghayaha xidhiidhka gobalada iyo degmooyinka xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID, mudane Cabdiqani Salaf, ayaa waxa ku wehelinayay xubno sare oo ka tirsan hogaanka xisbiga. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen xoghayaha xuquuqal insaanka iyo gudida gobalka iyo degmada Boorama. Sida gudoomiyaha gobalka Awdal Cabdirashiid Ibrahim Isaaq,o gudoomiye ku xigeenka gobalka Ahmed Sanyare, iyo xoghayaha gobalka Xasan Abdikarim Micaad,iyo gudoomiyaha degmada Boorama Cumar Meecaad Caynaan.

u3(16).jpg

Masuuliyiintan ayaa goobaha ay kormeerka kusoo mareen u badnaa dhinacana koon furta magaalada Borama gaar ahaan Goobta sheekh Yuusuf , goobta Garayacawal goobta Shirwac lagu baanay,iyaga oo uga sii kici timay goobta Walaalgoo.Waxa xusid mudan intii ay goobahaasi marayeen waxa ay dadwaynihii safnaa ku booriyeen in ay dhawraan amaanka isla markaasina ay qaataan kaarka codbixinta.

u2(20).jpg
Sidoo kale waxa ay kormeer ku soo mareen Darimacaane oo magaalada Boorama kaga beegan dhinaca Waqooyi Bari, waxayna sheegeen masuuliyiinta Xisbiga Ucid hhabacsanaanta ka muuqata goobaha ay soo mareen waxayna kumishanka doorashooyinka ugu baaqeen inay sida ugu dhaqsahaban wax uga qabtaan ciladaha dhinaca arsamada ee ka jirta goobaha ay diwaangalintu ka socoto.

Sikastaba ha ahaatee waxa ay xisbiyada qaranka ee ku loolamaya hogaaminta dalku ay dadaal dheeriya ugu jiraan kasbashada taageerayaal siyaasadeed walo aan la gaadhin doorashadii madxtinimada iyo baarlamaanka ee Somaliland.

GABILEY.NET
BORAMA OFFICE