Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Ka Jawaabtay Fariin Dalab Ah Oo Uu Soo Diray Madaxwayne Siilaanyo

Sida ay warbaahinta qaar u sheegeen ilo xogogaali, Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan maxkamadda distooriga ah  ee Somaliland ka dalbaday fasiraadan, ka dib markii hay’adda sirdoonka qaranka laga qadiyay darajadii la siiyay ciidamada kala duwan ee Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu maxkamada ka dalbaday inay fasirto in hay’adu tahay hay’ad ciidan iyo inaanay ahayn iyo weliba in shaqaalaha hay’adan la siin karo darajada ciidamada.

Sidaas darteed, sida ay ilahan xogogaalka ahi sheegeen, maxkamadda distooriga ah ee Somaliland ayaa ka jawaabtay dalabkaas fasiraada sharci ee Madaxweynuhu ka codsaday, waxaanay maxkamadu cadaysay inay hay’addu tahay hay’ad ciidan, islamarkaana ay shaqaalaha hay’adda sirdoonka qaranku dhammaantood u qalmaan in  la siiyo darajada la siiyay ciidamada kale ee Somaliland.

Hase yeeshee waxa ay maxkamadda sare hoosta ka xariiqday sida ay muhiimka u tahay in tababaro kala duwan la siiyo shaqaalaha hay’addan, ka hor intaan la qorin shaqada haya’daas.

 

Log1