MUDANE CIRO HOGAAMIYE LAGU HUNGOOBAY BAARLAMAN KIINA KA DHIGAY FADHIID …..Waa Qalinkii Siyaasi Aadan Maxmed Xaaji Aadan (Aadan wali)

Gabiley(GNN)Maqaalkaygan oo aan sikooban uga warbixinayo mudadii uu golaha baarlamaanka hogaaminayay mudane c/laahi Ciro oo aan u arko gudoomiye Ku fashilmay hogaaminta baarlamaanka SLN mudada uu jiray ee dhawr iyo tobanka sano Ku dhaw bilawgii gudoomiyaha loo doortay oo uu midane Ciro si jujuuba ugu fadhiistay kursiga baarlamaanka marna danqaran kamuu shaqayn oo lamuu shaqayn madaxweynihii daahir riyaale ee waxakhtigaa hayay hogaanka dalka balse waxa uu ka talo gaadanayay mucaaridkii waxakhtigaa waxana umadu ka wada dharagsantahay shantii sano ee U horaysay uu Ku dhamaystay muran iyo siyaasad aan daganaansho lahayn muran iyo buuq mudane Ciro oo inta badan lagu xanto in si dhibyar loo adeegsan karo ana looga faa’iidaysan karo awoodaha uu Ku shaqaysan kari laayahay ama u mada ugu shaqayn lahaa inay dad dano gaara lihii Ku fushadaan sida aan hore u soo aragnay .

hadaba maanta Ciro waxa uu bulushada u sheegay inuu doonayo inuu hogaanka dalka u sareeya isu sharaxo isagoo golahii baarlamaanka ka dhigay xero uu isagu leeyahay kuna tagri falaya miisaniyadii golaha uu hogaamiyahay ka yahay balanqaad kiisii ahaa inuu hogaaminta baarlamaanka ka dagi doono marka u horaysay ee madaxweyne siilayo Ku dhawaaqo doorashada ee diiwaan galintu bilaabanto ayaa noqotay halbacaad lagu lisay iyo been uu shacbiga u sheegay iyo kalsoonidaro ka muuqata Ciro iyo xerta Ku meersan ee uu fikirkooda Ku socdo maanta hawlaha doorashada la filayo inay dhacaan waxa aqabad Ku ah gudoomiye Ciro oo laga sugayay inuu diyaar iyo qaabaka doorasho iyo xeerkii lagu dooran lahaa baarlamaanka isaga oo loogu sheekaynayo adiga kuma taal ee maalinta la gaadho doorashada waa ka murmaynaa meesha caalamkaa INA soo dhex gali waxaynu odhan doorashada baarlamaanka dib ha loo dhigo ta madaxweyne soo horaysiiya sidii kulmiye Ku fuulay taasina waxay Ku tusinaysaa sida aanu danguud shaqo ugu lahayn mudane gudoomiye Ciro waa in laga fiirsadaa dibindaabyada Ciro Ku wado qarankan masuuliyadii qarankana danihiisa uga faa’idaysanayaa

Waa Qalinkii Siyaasi Aadan Maxmed Xaaji Aadan (Aadan wali)
adan23@gmail.com