SIYAASIYIIN UU HOGAAMINAYO MUSHARAXII ISKA CASILAY XISBIGA UCID OO KU BIIRAYA XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI

Hargeysa(GNN):-Musharaxii Madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ee dhawaan iska casilay xisbigaas iyo siyaasiyiin kale oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku biiraan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Cabdirashiid-Xasan-Mataan1
Sida ay Gabiley.net u xaqiijiyeen masuuliyiin ka ag dhaw xubnaha ku biiraya xisbiga Waddani ee uu hogaamiyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay inuu soo dhamaaday wada hadal in mudo ah u dhaxeeyey masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo xubnahan ku biiraya, kaas oo ku soo dhamaaday heshiis is afgarad oo dhex maray labada dhinac.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in maalinta arbacada ah si rasmiya loo shaacin doono inay xubnahaasi ku biireen xisbiga Waddani, kuwaas oo lagu soo dhawayn doono munaasibad balaadhan oo loo qaban doono.
Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani oo ka mid ah sadexda xisbi ee ka jira dalka ayuu si toos ah u muuqdaa tartan adag oo ka dhaxeeya, iyada oo labada dhinacba ay ku mashquulsan yihiin inay kala jiitaan xubnaha miisaanka ku leh saaxada siyaasada somaliland si ay xisbiga cod ugu keenaan doorashada soo socota, iyada oo uu guud ahaan xisbiga Ucid uu u muuqdo mid ka maqan saaxada siyaasada dalka iyo hirdanka loogu jiro xubnaha miisaanka leh.

 

GABILEY.NET