Tog-Wajaale:Xisbiga Kulmiye Oo Umagacaabay Gudoomiye iyo Garabyo Dhalinyarada iyo Xilal Kale

Gabiley(GNN)-Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa Degmada Tog-Wajaale u magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale oo loo Magacaabay Mustafe Sheekh Abokor Xuseen iyo Xubno kale.

Qoraal uu ku sexeexan yahey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi ayaa, lagu sheegay in uu u magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-Wajaale Mustafe Sheekh Abokor Xuseen halka Maxamed Macsuun Nuur loo magacaabay Xoghayaha Xisbiga Kulmiye ee Tog-Wajaale iyo Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada oo loo Magacaabay Muxiyadiin Saleebaan Muxumed.

kulmiye0003.jpg

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen Gudoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Xisbiga Kulmiye, ee Degmada Tog-Wajaale ayaa hore uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye mudo badana aaminsanaa Xisbigaasi isagoo Doorashooyinkii hore iyo Xiligii Xukuumadi Udub aad ugu ololayn jirey Kulmiye.

 

GABILEY.NET

WAJAALE OFFICE