WASIIR KU XIGEENKA AMAANKA OO GO’AAMO ADAG KA SOO SAARAY DEKEDA CEEL-GARDI,AADAN SIIRANA JAWAAB ADAG U DIRAY.

Hargaysa(GNN)Xukuumada Somaliland ayaa go’aan xadiyadaya in dekeda laga dhiso Deegaanka ceel-gardi ka soo saartay Go’aamo Adag,waxaan ay shegeen inaanay suurto gal ahayn dekeda aan sharci ahayn in ladhiso,waxaana ay tilmaameen in goobta dekeda laga dhisayo ciidan hada gacanta ku hayo.

Wasiir ku xigeenka Amaanka Ee Wasaarada arimaha gudaha Oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen dad maleeshiyaad ah oo masuuliyiinta Berbera rasaaseeyay.

hawlaha
Maxamed Muuse diiriye waxa uu bayaamiyay wixii ay Xukuumadu diiday in ay fulayaan,isaga oo sheekh aadan siiro ku guubaabiyay inuu ku soo biiro siyaasiyiinta kana mid noqdo Saddexda xisbi waxaana uu yidhi.

“horta arinta waxa dhibaato oo ka dhacay majirto,hasayeshee dadkeenu caadifada meel kasta way iskala galaan,meeshan rasaasi way ka dhacday ragii hawshaas fuliyayna waanu ku daba jirnaa,qayb ka mid ahna waanu haynaa,kooxo kale oo iyaguna is uruursaday oo meelahan kale ee lug-haya ayaanu ka samay sanaynaa way jiraan,balse dhulka dawlada ayaa maamusha,Dekedahana dawlada ayaa maamusha.
Wasiirku xigeenka Amaanka ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa cadeeyay in ay xukuumadu ka soo horjeedo in dekedo aan sharci ahayn laga dhiso deegaanka Ceel-gardi waxaana uu yidhi.

“Xukuumadu dekeda iyada ayaa dhista iyada ayaa banaysa,iyada ayaa xukuumadu ciidan gaysa halka ay u aragto in laga dhisayo dekeda ee u baahan in wax laga soo dajiyo,sida maydh oo kale,Berbera iyo saylac dekedaha aynu naqanaa waa kuwaas,badaas dheer ee hadii qof waliba yidhaaho dekeda ayaa ka dhisayaa dhibteeda ayay leedahay,dalkuna Fawdo ayuu galayaa,waxaana ay noqonaysaa wax reero kala leeyihiin.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo tilmaamay inaanay Xukuumadu Kula Socon Bulshada Deegaanka Ceel gardi ama Beel qudha ahi dhisato dekeda u gaara ah waxaana uu yidhi.”Wakhtigan in Dekeda kale ka dhiso wax lioo baahan yahay maaha si khaldana waa loogu dhaqaaqay,si khaldana waa looga daba tagay,lakiin waa in ay ogadaan in ay dalkan dawladi ka taliso,wixii ay diido diiday wixii ay fulinaysana fuliso,cid waliba inta ay Qori iska qaadato waxa ay doonto mayeeli karto

Maxamed Muuse ayaa sheegay inaanu qofna waxa uu rabo inaanu gacantiisa ku fushan Karin,ka diidana aanu gacantiisa ku ciil bixi Karin,isaga oo hoosta ka xariiqay in ay dalka dawladi ka jirto,qofkasta oo sharciga iyo qawaaniinta dalka hoos maraana talaabo laga qaadi doono.

“Waar Hadii Baloodh ladhisanayo Ruqsad ayaa loo doontaa,maha in aynu dalkeena fawdo galin,waxaana leeyahay shacabka Somaliland Nabadiina ilaashada,wixii aad xaq u leedihiin iyo wixii kale kala garta ninka leh dekeda meel laga dhisanayo Ayaan joojinayaa waxaasi maaha mid adiga kuu taala.

Geesta kale Wasiir ku xigeenk Amaanku Maxamed muuse Diiriye waxa uu ku edeeyay Sheekh Aadan Siiro hadii uu u baahan yahay inuu Siyaasadda u Ban Baxo inaanu Goobaha Cibaadada Loogu tallo galay ee kulmisa dadka Muslimiinta ah inaanu kaga hadal Siyaasada waxaana uu yidhi.

“Waxa layidhi Masaajidka ilaahay waxa loogu tallo galay inaan waxaan ilaahay ahayn lagu xusin,lakiin hadii uu doonayo inuu siyaasada ka mid noqdo golaha siyaasada hayimaado hana ka mid noqdo siyaasiyiinta isaga oo ku biiraya Xisbiyada qaranka,kana Fiirso sheekh aadanow dadku marka ay wax helaana haka daba tagin,taas Ayaan isna ku boorin lahaa,cid dugsiga sheekh bashiir iibisayna majirto.

 

GABILEY.NET