Xildhibaan Caynaan oo Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ku Eedeeyey Inay Si Arxandara Ah Uga Burburisay Meheradihii Ganacsi Dadka Dan Yarta Ah

Xasan Cawaale waxa uu sheegay Dawladda Hoose ee Hargeysa haddii ay doonayso inay bilicda ka shaqayso waxay ahayd inay wax ka qabato Qashinka daadsan magaaladda isagoo sheegay meel kasta oo ka mid ah caasimada in uu xashiis buux dhaafiyey.Xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu intaa raaciyey kormeer ay guddidooda arrimaha bulshadu ku samaysay caasimada inay ku soo arkeen in ay Dawladda hoose dayacday shaqadeedii oo uu qashin buux dhaafiyey, halka ay dadka masaakiinta ah cagaf galiyaan.Xasan Cawaale waxa uu sheegay talaabada Dawladda hoose inay tahay fool xumo iyo dhibaato ay kula kaceen dadka ganacsiga ku tiirsan, isagoo ku booriyey inay qashinka ka guraan magaaladda haddii ay wax qabanayaan.

Xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu sheegay hawl-galka Dawladda Hoose in uu ahaa mid si axmaqnimo ah oo si aan tudhaale lahayn loogu baabi’iyey Hanti, isagoo sheegay meheradaha qaarkood sida kuwa Summer-Time u dhaw oo kale inaanay kuba jirin wax wado ah, isla markaana cagaf la galiyey iyadoo aan loo tudhin hantidii hoos taalay oo uu khasaare balaadhani soo gaadhay.

Xasan Cawaale waxa kale oo uu ku dhaliilay ciidamada Booliiska rasaastii ay ku rideen dadka dan yarta ah ee meheradahooda la burburinayey, isagoo Booliiska ku eedeeyey xabadaha ay ridayeen oo tiro badnaa inay ahayd difaac maatadaas inay u hayaan oo aanay khasaarin.

Xasan Cawaale waxa uu sheegay inay dalka abaaro ba’ani ka jireen , waxaanu xusay dadka danyarta ah ee ganacsigoodii la burburiyey in uu la kulmay maalin dhaweyd iyagoo lacag u ururinaya dadka abaaruhu hayaan, sidaasi daraadeed ay ahayd Dawladda hoose inay tixgaliso dadka masaakiinta ah ee nolol maalmeedkaas raadsanaya.

Xildhibaan Xasan waxa uu Maayarka iyo ku-xigeenkiisa ugu baaqay inay ixtiraamaan dadka ganacsatada ah ee aan u dhaweyn wadooyinka, isagoo sheegay dadu inaanay wadooyinka soo dageen haddii Dawladda Hoose shaqadeeda qabsanayso.

Xasan waxa uu sheegay Maayarku haddii uu doonayo wadooyinka in uu hagaajiyo in ay ku haboonayd intaanu ganacsatada burburin in uu wadooyinkan burbursan dhiso.

 

Log1