Shacbiga Somaliland Oo Siweyn U Xasuustey Gurmadkii Jabuuti Ee Xiligii Dagaalkii Eletariya Iyo Sida ay Dawlada Jabuuti Dhegaha Uga Fureysatey Dadka Ku Dhimanaya Abaarta ee Ay Dariska Yihiin

Hargeysa(GNN)-Inkasto indhawaale badi Shacabka Reer Somaliland ku baraarugeen Weerar Cidamada Jabuuti kusoo qaadeen Ciidanka Xeebaha Somaliland, oo Askari kamid ahi ku geeriyoooday, balse dhiigiisii la dambabasey, hadana waxa ay arintaasi hibateyn iyo xusuus ku reebtay Shacbiga Somaliland oo dib u milicsadey halka ay Dawlada Jabuuti inaga taagan tahey dal iyo dad ahaanba iyo Sida ay ugu mija duuban yihiin Masuulyiintii Xukuumada iyo haldoorkii Bulshadu.

Qeybo badan oo kamid ah Shacbiga Somaliland ayaa, wakhti xaadirkan ay xaalada adag kujiraan inta ugu badan ee Xoolo-dhaqatada iyo dadka jab768reer Guuraaga ahi abaarta qalfsan ee Saameynta dhimashada iyo dhacadiidka leh ku reebtay dib usoo faqey Xusuusta sidii hagar la,aanta aheyd ee Somaliland shacbi iyo Xukuumadba ugu hagar baxeen Dawlada Jabuuti xiligii uu dagaalku

u dhexeeyay Dawlada Eletariya oo Markab Xoolo ah looga rarey Dekeda Weyn ee Berbera kaas oo dhaawac bax iyo dhalaashiba u noqdey Ciidamadii Jabuuti ee ku haftey baanaheyskii,iyo caana raamboogi ay sanadaha badan ardaa jiifka ku ahaayeen islamarkaana, ay iskaga rogeen dhibtii kasoo gaadhay dagaalkaasi laakiin aaney marnaba abaal celin guud ka helin Dawlada Jabuuti Somaliland marka laga reebo anbabaxa ay ku sagootiyaan Shakhsiyaad kooban.

Dawlada Jabuuti ayaa, la sheegay in ay dhawaan Gaadhi Raashin ah oo aan saxadiisu fiicneyn islamarkaana, mudo badan kujirey Istoodh ay soo gaadhsiiyeen Magaalada Lowyacado ee kutaala Xuduuda u dhexeysa labada dal balse, aaney dadka abaartu haleeshay waxba ka calfan.

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE