DAAWO: 62 Qof Oo Ku Geeriyoodey Diyaarad Goor Dhaweyd Ku Bur- Burtay Dalka Ruushka

wararka ka imaanaya Dalka Ruushka ayaa sheegaya in goor dhaweyd ay ku bur-burtay Diyaarad Rakaab siday oo ka ambabaxday Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.Diyaaradan ayaa waxaa la socday 61 qof oo 55 ka mid ah yihiin rakaabkii saarnaa Diyaarada, halka lixda ruux ee kalena ay ahaayeen Shaqaalaha Diyaarada.Diyaarada ayaa nooceeda uu ahaa A Boeing-737,waxaana la sheegay inta aaney dhicin ka hor labo Saacadooda inay hawada ku jirtay, balse iyada oo doonaysa inay degto ayeey Diyaaradan dhacday.

Saraakiil ayaa sheegay in aaney jirin cid ka badbaaday Diyaarada oo gabi ahaanba dadkii saarnaa ay geeriyoodeen, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay burburka Diyaarada ama nooca cilada ee ku yimid.

Waxa ay ku dhacday Diyaarada Magaalada Rostov-on-Don oo ku taallo Koonfurta dalka Ruushka.

Gaadiidka gurmadka deg dega iyo Saraakiisha caafimaadka ayaa gaadhay goobta Diyaarada ay ku soo dhacday ee Magaalada Rostov-on-Don.