Abwaan CASHUUR oo Tix Kooban Kaga Jawaabay Xatooyadii Uu Wasiir Caddaani Shalay Shirka Jaraa’id U Qabtay Ee Wasaarada Warfaafinta.

Hargeisa(GNN):- -Shaqaale weynaha iyo hawl-wadeennada wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka dhiidhiyey fadeexad ay sheegeen in wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid u soo jiiday sumcaddoodii kadib markii uu ku dhawaaqay in xatooyo ka dhacday xerada dhexdeeda isla markaana la jabsaday khasnaddii lacagta ee SLNTV.

Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur (Baadidoon) oo ka mid ah hal-abuurrada foollaadka ah ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ayaa tix gabay ah oo uu xalay curiyey waxaa uu kaga jawaabay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aan looga fadhiyin wasiirku in uu fadeexad ka wada simo hawl-wadeennada wasaaraddaas.

aasss

Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur oo markii shalay uu
wasiir Caddaani shirka jaraaid ku qabtay xafiiskiisa, kadib xalay curiyey tix gaaban oo uu ku cabirayo sida ay uga xun yihiin in wasiirku fadeexadeeyo shaqalalihiisa isla markaana uu ceeb u soo jiido, ayaa hungo madhan ku tilmaamay magacaabistiisa oo uu sheegay in ay hore ugu han weynaayeen. Tixdan afarrayda ah oo uu Abwaan Cashuur xalay soo gaadhsiiyey xarunta wargeyska HUBAAL ee magaallada Hargeysa waxaa uu ku bilaabay sidan:

Caantaynno Lumay dhibi ka badan, la Carrabaabaaye

Cidaad tahay sidaas uma dhaqmaan Ina Caddaanoowe

Ceebaysay Habar-yoonistii, cududa weyneyde

Wasaaraddaa camiran rag iyo dumar ciidan iyo rayidba

Caqligaagu waa kaas ku yidhi wada cambaareeye

Cirradaadanaa lagu dagtee, show cidlaad tahaye

Caynkaagan uunku uma diro kaalintaa culuse

Waxse na caayay madaxweynahaa kuu cumaamaday

Hargeisa Somaliland
Gabiley News network
contactgabileynews@gmail.com