Afhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabiley Iyo Xubno kale Oo La Wariyay In Ay ku Hawlan Yihiin Sidii Ay Xisbiga Uga Digo Rogan Lahaayeen Iyo Dareenada Ku Xeeran,

Gabiley(GNN) Afhayenka xisbiga Wadani ee gobolka gabiley Eng Daa,uud Abiib Axmed Iyo xubno misaan culus oo kamida xisbiga ayaa maalmihii udnabaysay ku jiray shirar kala duwan kuwaasi oo sida wararka aanu ka helayno tibaaxeen in ay ka kala dhaceen magaalooyinka gabiley ,hargaysa iyo wajaale,

ENG DAA,UUD

Hadaba Eng Daa,uud Abiib Axmed oo kamid ahaa murashixiintii utartamay doorashadiin golayasha deegaanka ee degmada gabiley kaasi oo aanu ku gulaysan balse oo kamid ahaa xildhibaanadii ugu taageerda badnaa gobolka gabiley

Sidoo kale shirarkan uu afhayeenku waday ayaa lasheegay in ay ku weheliyeen xubno kale oo iyaguna kamid ahaa xildhibnaadii xisbiga ,iyo masuuliyiin kamida golaha dhexe ee xisbiga.

Wararka yaa tibaaxay in dhaqdhaqaaqyadani ay daaran yihiin sidii ay xisbiga wadani uga digo ragon lahaayeen. Uga fikirayaan halka ay udigo ragan lahaayeen

Qorshaha xubnahani ayaa ku hawlan iyaga oo wata taageero yaashooda in si qoto dheer uga tashadaan halka ay ka heleyaan hirgalinta hankooda isla markaana ay ku biiriyaan cududooda,

Xubnahan uu hor kacayo afhayeenka xisbig wadani oo guud ahan gobolka gabiley ku leh taageerayaal xoogan saamayna ku yeelan doona hadii ay sida wararka tibaaxayaan ay xisbiga sidaa kaga baxaan.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ah mid aan xiligan la saadaalin karin iyadoo loolanka xisbiyadu marayo halkii ugu adkayd iyo saluuga wadani ee xubnihii aas aasay ka gabiley ahaan ka digo rogashadooda.