Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Cagta mariyay Kooxda Khaatumo-Seeg oo La Shirayay Canaasir Ka Timid xamar.

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Xoog Ku Muquuriyay Qas Wadayaashi Cali Khaliif Galaydh Iyo Deegaanadii Ay Ku Shirayeen Oo Ciidamada Somaliland Gacanta Ku Dhigeen

iyado maalintii shalay ay kulan ku yeesheen magaalada buuhoodle xildhibaano ka tirsan dawlada fadaraalka soomaaliya iyo maleeshiyaadka uu hogaamiyao dagaal ooge cali khaliif galaydh ayaa waxaa maalintii shalay laga soo saaray war is af garan waaya waxaana loo balamay in maalinta beri ah uu si rasmi ah u furmo shirkaasi
ayaa waxaa lagu soo waramaya in ay gaadheen deegaano ka tirsan gobolka buuhoodle ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka somaliland kuwaas oo u jeedkoodu ahaa nin ay gacanta ku dhigaan xildhibaanada ka socda dawlada soomaaliya kuwaas oo abaabulaayay shir aanay raali ka ahayn xukuumada somaliland
xildhibaanada ka socday soomaliya iyo cali khaliif ayaa iskaga baxay deegaanada ceegaag iyo widh widh oo ay ku suganaayeen cali khaliif iyo xulafadiisu lana doonaayay in halkaas lagu qabto shir ka dhan ah xukuumada somaliland
wararka aanu ka helayno deegaanadaas ayaa sheegaya in hada ay ku sugan yihiin deegaankaas ciidamada qaranka somaliland waxaana kala kacay shirkii ay abaabulayeen fidmo wadayaasha qaska ka wada deegaanada sool iyo buuhoodle