Ciidamadda Ilaalada xeebaha Somaliland iyo kuwa Jabuuti oo dagaal ku dhex maray jasiiradda Ceebaad

Saylac(GNN)-Ciidanka ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa Dilay hal askari oo ka tirsan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland kadib markii dagaal ku dhex maray Jasiiradda Ceebaad ee u dhaxaysa labada Dal.

Sidoo kale, waxa la soo sheegayaa dagaalkaas in uu askari kale kaga dhaawacmay ciidanka Somaliland, illaa hadana wararka laga helayaa waxay sheegayaan inay xiisada ka dhex dhalata labada ciidan taagan tahay.

Lama oga sababta dagaal ku ka dhashay, hase yeeshee ilo wareed Waaheen uga waramay dhacdadan ayaa ku gaabsaday inay ciidamadda Jabuuti rasaasta ku fooreen mar ay ciidanka Somaliland ka kalluumaysanayeen agagaarka Jasuiiradaasi.

Warar kale ayaa sheegaya Ciidamadda Somaliland inay goobta u tageen maraakiib iyo Doonyo Jabuuti laga leeyahay oo goobta ka kalluumaysanayey oo ay ka hortageen.