Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Isu Diyaariyay Sidii Ay Gacanta Ugu Soo Dhigi Laheen Koox Muqdisho Laga Soo Diray Iyo Cali Khaliif.

Ciidamada qaranka somaliland ayaa waxaa ay samaynayaan diyaar garaw balaadhan oo deegaanada bariga somaliland lagaga sifaynaayo kooxaha nabad diidka ah ee ay dabada ka tubaadhinayso dawlada taagta daran ee somaliya

deegaanada hoos yimaada gobolka buuhoodle oo ayaamahii u danbeeyay ay si dhuumaalaysi ah ku soo galayeen qaar kamada calooshoda u shaqaystayaasha uu hogaamiyo dagaal ooge cali khaliif galaydh iyo xildhibaano ka tirsan dawlada soomaliya oo safar ku soo gaadhay deegaanadaas ayaa waxa uu u jeedkoodu ahaa sidii ay u laalushi lahaayeen maleeshiyaadka u qaabilsan in ay fidmo ka abuuran qaar ka mida deegaanada somaliland
waxaana ay ay yeeshen shir ay isku maan dhaafen kadib markii hogaamiyaha maleeshiyaadkaasi uu qawaday qaadhanka ay u qorshaysay dawlada soomaliya kuwaas oo ay ka mid ahaayeen,in ay helaan lacag dheerada oo ay ku fuliyaan hawl galadooda ,shiidaal aad u faro badan oo ay isticmaalan inta ay duurka ku jiraan taas oo aanay awoodin in ay bixiso dawlada soomaliya ,sidoo kale qodobada sida weyn laysugu maan dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa in dawlada soomaliya ku caawiso hub ay iskaga difaacan ciidamada qaranka somaliland oo ku noqday sooma jeestayaal cagta mariya maleeshiyaadka tirada yar ee nabadiidka ah
shirkaas ay yeeshen siyaasiyiinta xasarada badan ayaa waxa uu ku idlaaday is afgaranshowaa waxaana loo balamay in ay shirkii labaad yeeshan maalinti shalay ee aynu ka soo gudubnay waxaana hakad geliyay ciidamada somaliland oo xoog ku muquuniyay maleeshiyaadkii doonayay in qas ka abuuraan somaliland
ciidamada somaliland ayaa waxa ay gaadheen deegaanka ceegaag halkaas oo ay ka abaabulayeen in ay shirku uga furmo markii ay ogaadeen ciidanka qaranka somaliland ku soo beegan yihiin deegaanadaas ayaa gebi ahaanba iska yaacen deegaanadaas iyaga oo galay duurka
cali khaliif galaydh oo si weyn u soo food saartay dhaqale la,aan isaga iyo ciidamadiisa ilaayo iminkana hayn wax fara jed ah oo uu ka helay dawlada soomaliya ayaa taladiisu ku soo ururtay in uu ku dhex dhaco beelahiisa isaga oo ka cod sanaaya in ay ka gaadhan ciidamada somaliland ee qarka u saaran in ay gacanta ku dhigaan dagaal oge cali khaliif iyo xulafadiisa isaga oo dhowr jeer kaga baxsaday faro cididood
ciidanka qaranka somliland ayaa wax ay samaynayaan diyaar garaw balaadhan oo ay doonayaan in ay ku soo af jaraan maleeshiyaadkaas iyada oo laga baqaayo in ciidamada somaliland galka seefta ugala baxeen siyaasiyiinta xasarada badan ee aamin san fikirka soomali weyn
Wararka Shebekada Gabileynews  ka helayso dobolka buuhoodle ayaa waxaa la sheegaya in laga dareemaayo dhaq dhaqaaqyo ay samaynayaan maleeshiyaadka cali khaliif hogaamiyo kuwaas oo ka dul barooranaaya deegaanada uu ka soo jeedo isla markaana doonaaya in ay ugu deeqaan gurmad dhinacyo badan leh iyo ciidan uu iskaga waabiyo ciidamada somaliland ilaayo inta uu iskaga baxaxaayo deegaanadaas
si kastaba ha ahaate ciidama somaliland ayaa waxa ay hada u jeesten in ay gacanta ku soo dhigaan cali khaliif galaydh iyo xildhibaanada laalushka u sida ee ka yimi dhinacaas iyo xabad kama qabawde ee muqdisha kuwaas oo ku jira sidii ay uga fakan lahaayeen ciidamada somaliland oo fara baas ku haya
dhinaca kale maamul goboleedka puntland ayaa isaguna wax taageeo ah u fidin xildhibaanada soomaliya ee ku go,doonsan aga gaarka deegaanka buuhoodle waxaanay sheegen in aanay diyaar u ahayn in soo bad baadiyaan maadama oo aanay ku tagin deeganadaas wax talo ah oo aanay ka siin puntland