Daawo Deegaanada Waqooyiga Gabiley Oo Abaartu Sii Adkaanayso Oo Dadkii Laga soo Daad Guraynayo Iyadoo ay Xanuuno Heleelen Dadka Oo Qaarkod Lasoo Gaadhsiyay Cisbitalka Gabiley

Gabiley(GNN) Iyadoo Ay Gabiley Iyo Deegaanada Hoos Yimaada ay Ka Midka Yihiin Meelaha ay Abaartu Heshay Ayaa Maanta Waxa Cisbitaalka Guud Ee Gabiley Lasoo Gaadhsiyay Lix Caruur ah Oo Kamid ah Dadka La Daala Dhacaya Xanuunada Ay Abaartu U Gaysatay Iyadoo Laga Soo Qaaday Deegaanada Waqooyiga Gabiley Iyagoo Ku Sugnaa Xaaladd Aad U Liidata islamarkasina La il Daran Xanuuno Haleelay Waxana Lagu Dabiibaya Xaaladooda Caafimad Cisbitalka Gabiley
Mar Aanu Booqanay Caruurta Lasoo Gaadhsiyay Cisbitalka ayaa waxanu La Kulanay Gudomiyaha Gudiga Abaaraha Gabiley sheekh Xasan Jaamac Diiriye Oo Kamid ahaa Dadka Gurmadka  Galay Ee Soo Daadgureyay Caruurtan  Waxanu  Eedo Usoo Jeediyay Haayadaha Qaabilsan Daryeelka Caruurta Sida Haayadaha UNICEF WFB WHO UNHO Waxanu Ugu Baaqay Inay Gutaan Waajibadkoda Hadiikale ay Soo Ban dhigi Doonan Dhaliilaha Baahsan Ee DulHoganaya Haayadahasi Sidokalena Waxanu Ka Waraysanay Xaalada Caafimad Ee Caruurta Agaasimaha Guud Ee Cisbitalka Gabiley Iyo Maamulka Dagmada Gabiley Oo Iyaguna Goobta Ku Sugnaa Halkan Kaga Bogo Warbixintasi Oo Faahfaahsan

Gabiley.Net
Office Gabiley