Daawo Diwaan Galinta Oo Maalintii Sadexad Ka Socota Gobolka Gabiley Iyo Deeganada Hoos Yimada.

Gabiley(GNN) Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Oo Maalintii Sadexad Ka Socota Gobolka Gabiley Iyo Deeganada Hoos Yimada Oo Ay Maanta Ka Muuqato Dardar Galin Dheerad ah islamarkaasina Ay Dadku Si Fiican U Qaadanayaan Card ka Codbixiyayaasha Dhinaca Kale Wararkanu Ka Helayno Magaalada Togwajaale ayaa Sheegaya In Gudomiyaha Dagmada Togwajaale Mr Cabdi Saleeban Cabdi Budle Uu Albaabada Ullaabay Goob Kamid ah Goobaha ay Ka socoto Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Ee Togwajaale Kadib Markii Uu Gudomiyaha Iyo Hawlwadeenada Goob Taasi Isku Af Dhaafen In La Diwaan Galiyo Dad Aan Qaan Gaaddhin Ka Dibna ay Taasi Sababtay Inuu Gabi Ahaanba Albaabada U Xidho Goobtasi Waatan Mid Kamid ah Goob Joogayaasha Aanu Khadka Talefanka Kula Xidhiidhnay Oo Noo Xaqiijisay Sida ay Wax U dheceen Halkan kaga Bogo warbixintasi Oo dhamaystiran

isku soo wada Duubo Maaha Markii Ugu Horaysay Ee Uu Gudomiyaha Togwajaale Mr Cabdi Budle Uu Sidanu Oo Kale u Sameeyo Balse Bilawgii Furitanka Diwan Galinta Ayaa waxa Jirtay Inuu Goob Kamidd ah Goobaha Wajaale uu Tunka Ku Qaatay islaMarkaasina Uu Geeyay Goob aan Logu Talo Galin Ilaa Iyo Hadana Ma Jirto Talaabo Cad Oo Laga Qaaday Faro Galinadasi uu Gudomiye Cabdi Budle Hayo Hawlwadeenada Diwaan Galinta waana Mid Caqabad Ku Noqon Karta Diwaan Galinta Codbixiyayaasha
Waxana Xukuumada Iyo Komishankka Doorashoyinka Loga Fadhiyaa INay sida Ugu Dhahsaha Badan Wax Uga Qabtan Arimahasi

Gabiley.Net

Office Gabiley