DAAWO Xaflad Lacag Loogu Ururinayo Wadada Cad Oo oo Lagu Qabtay Magaalada Minneapolis + SAWIRO.

Waxa xalay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay oo lacag loogu gurayay dib udhiska Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa, Sallaxley Iyo Ina Guuxaa. Waxaana xafladan si weyn usoo agaasimay Gudida Qaban-Qaabada xaflada, waxaana kasoo qayb gallay qaybaha kale duwan ee bulshada Reer Somaliland Iyo Soomaaliyeed-ba ee ku nool gobolka Minnesota. Waxaana madasha shirka ka hadlay Cullimo Awdiin, Odayaal, Waxgarad, Aqoonyahan, iyagoo dhamaantood xusay inay ku faraxsan yihiin booqashada Gudoomiye Cali Sanyare ku yimid gobolka Minnesota, si weyna usoo dhaweeyay,

image
waxaanay dhamaantood ka markhaati kaceen kuna amaanaan Gudoomiye Cali Sanyare iyo gudida Wadada Cad-ba sida habsami usocodka leh ee ay uwadaan hawsha wadada, sidoo kale waxay amaan iyo duco usoo jeediyay Ganacsade Cumar Caydiid oo runtii la’aantii aanay suurtagasheen in wadadan lagu hamiyo in lasameeyo ama lagu dhiirado.image

Dhanka kale Gudoomiyaha Gudida Mashruuca Wadada Cad Mudane Cali Ibraahin Maxamed oo madasha shirka ka hadlay ayaa, Salaan Iyo Mahadnaq kadib si farshaxan-nimo ku dheehan tahay usoo bandhigay taariikhda Wadada, halkii laga bilaabay, wixii ku baxay, halka ay maanta taagan tahay, halka higsigu yahay iyo waxa ku baxaya.imageWaxaanu gudoomiyuhu qodob qodob udul istaagay faa’idada ay wadooyinku dalka uleeyihiin, gaar ahaan faa’idada ay wadadani uleedahay deegaanada ay dhexmarto, waxaanu xusay in wadada qaybtii ugu shaqada badnayd uguna qarashka badnayd hadhay, loona baahan yahay in si weyn looga wada qayb-qaato, jeebkana gacanta si weyn loo galiyo “Halkii 1-Kilomitir wuxuu ku kacayaa ayuu yidhi Mudane Cali Sanyare $94,0000 Afar Iyo Sagaashan Kun Oo Dollar, waxaanu ka codsaday bulshada reer Minneapolis inay hal 1-Kilomitir iskugu tagaan oo ay dhisaan.
Waxaana xusid mudan in lacag qadarkeedu dhan yahay 72,000 Laba Iyo Todobaatan Kun Oo Dollar in lagaga dhawaaqay xaflada.