Daawo: Ururka HADA ee Bristol oo deeq lacageed ugu deeqay Guddida Abaaraha ee Gobolka Gabiley

Gabiley(W.N): Ururka HADA oo ah urur ka dhisan magaalada Bristol ee UK ayaa qadar lacageed oo dhan $ 2,044 (Laba kun iyo afar iyo afartan Dollar) ugu deeqay dadka abaaruhu sameeyeen, waxaana qadarkaas lacageed lagu wareejiyey guddida abaaraha ee Gobolka Gabiley.

Caaqil Mawliid Muuse Xirsi oo ka tirsan ururka HADA ayaa deeqdan ku wareejiyey guddida guddida Abaaraha Gabiley.