DAAWO:Gudida Horumarinta Hoodaale ayaa ku wareejiyeen 72 booyadood oo biyo ah Gobolka Gabiley

Gudida Horumarinta Hoodaale ayaa ku wareejiyeen 72 booyadood oo biyo ah Gobolka Gabiley. Deeqdaa oo ay gudoomeenGuddoomiyaha Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi iyo dhammaan masuuliyiinta degaamada hoos yimaad Gobolka Gabiley. Deeqdan waxaa soo dirtay Hay’adda EAD waxaana soo bixiyey bulshada reer Somaliland UK. Deeqdaa waxaa lagu wareejiyey Gudida abaaraha ee Gobolka waxaana loo qaybiyey sida tan, Gabiley 30 booyadood, Allay-baday 10, Wajaale 8, Geed-ballaadh 12 iyo Arabsiyo 12. 

Haddii aad rabto inaad Sadaqad ku darsato gurmadka abaaraha dadkeena baahan waxaad si dhibyar ugu soo hagaajin kartaa Dahabshil, account No. HRGD34184 East Africa Development . Wixii su’aala waxaad Hay’adda EAD kala soo xidhiidhi kartaa Info@eastafricadevelopment.or  www.eastafricadevelopment.org