“Dayaxii usoo baxa Daamur baa la mariyaa, Mooralkaana laga dilay, Danabyadii u kici lahaa”W/Q:- maxamed cabdi nuur

Dhaliilo Dheef Lagu Doonayaa Dhaawac Ama Dhabar Jab Kuma Noqon Karaan Horumarka Gobolka Gabiley Iyo Horseedka Halyeyada U kacay.
“ninka eedaymaha iyo Aflagaadooyinka Beenta Iyo Burushka Xaarka Leh La Dabataagan Masuuliyiinta Gobolka Gabiley Maaha Shaqsi jecel Horu-socodka Gobolka Iyo in Heer uu Gaadho”

Hargeisa(GNN):- Xaasha Umaan Qaadan Qalinka Inaan Cid ku Caayo Ama Ku Amaano Uguna Jawaabo Shaqsiyaad Maangaaba oo Hankoodu Ka Hagraday inay Ku Hanbalyeeyaan Horumarka Gobolka Iyo Cida Horseedka U Ah in ay hirgaliyaan Alle ka Sakow,
Alle Ha u naxariistee Tuducyo aan kasoo qaato gabayadii Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Oo bulshada Kala hadlayey inay jiraan dadka qaar kasoo hor jeeda horumarka madaxdooda.
“Nin dilaala mooyee
Degmadan ku noolahay
Nin daryeel yidhaa
Duli buu ka qoran yahay
Hebel laga ducaystiyo
Mana laha nin dooroo
Dayaxii usoo baxa
Daamur baa la mariyaa
Mooralkaana laga dilay
Danabyadii u kici laha
Markii geela loo diray
Kii maqasha daayacay”
Maaha Wax ku cusub Bulshada gobolka gabiley in marka ilahay usoo diro masuul u Daacada Ah Dadkiisa Ay in ka xun horumarkaa gobolku Dacaayado Saqiira bilaabaan, Ma garanayo magaalada gabiley iyo golaha deegaanka ee wakhtigan jooga koox iskaga duuban iyo hogaan sidaa u maamula oo bulshada wax u qabta, manay soo marin, waxqabadka iyo horumarkooduna maaha mid cadaymo u baahane waxaa cadayneysa cidii caafimaad qabta ee indhahoodu inta wanaagsan jecel yihiin.
Haddii Aad Dib Taariikhda U Raacdo oo Aad Is Barbar dhig ku sameyso Maayirka Wakhtiga iyo Ragga qaar kuwii ka horeeyey, wax kale iska daayoo markii ay awoodi waayeen inay bulashadooda qanciyaan waxay ku kafitay inay laba albaab u sameystaan xafiisyadooda oo marka ay bulshada kasoo xidhaan ee ay isa soo hor tubaan ka boodi jiray albaabka danbe,
Halka Maanta maayirka Gobolka Ilahay usoo Diray 24tanka Saacadood uu heegan ugu jiro u shaqaynta bulshadiisa, haddii aad ilaa labada duhurnimo isku daydo inaad xafiiska gasho maayirka gabiley ma jiro albaab kaa xidhan ma jiro ciidan ama askar kaa celinaysaa, shaqsi kasta oo in loo shaqeeyo u baahani waxa uu kasoo baxaa isagoo dantii uu lahaa si fudud ugu soo dhammaatay,
Horese waxaa u dhacday siyaasiyiin wanaag iyo horumar u haysta balan beena iyo bulshadoo albaabada laga soo xidho inta daymo laga soo gurto.
Dadka Samaha iyo horumarka gobolka jeceli kama saarna caad iyo madow toona, dhibaatooyinka dib u dhaca ilahay uga soo hiiliyey, iyo halyeyada horumariyey hankoodii iyo kii bulshadooda,
Wali Kamay soo wada wareegin wakhti badani markii maayir maxamed aamiin cumar kala wareegay xilka masuulkii hore ee maayirka ahaa Shacayb maxamed Muuse, Dayntii iyo lacagihii umada laga soo guray ee uu ku wareejiyey waxaa uu ilaa hadda bixiyaa wakhti xaadirkan,

Umalayn Maayo Inay jirto maata Shacabka gobolka gabiley Cid Ka Nasiib Badan oo haya Hogaan horseed ugu ah daacad iyo dadaal midhihiisa la taaban karo.

La Soco Qormada Danbe Haddii Rabi idmo

maxamed cabdi nuur
Mohed020@gmail.com