DAAWO:Gabadh Somali Ah Oo Ku Nool Dalka Maraykanka Oo Ka Sheekaysay Sidii Kooxaha Xagjirka Ahi U Duufsadeen.

Gabadh Somali ah oo degan dalka Mareykanka ayaa sheekeysay sida ay uga badbaaday marin habaabinta kooxaha xagjirka ah ee la shaqeeya argagixisada, waxayna tilmaantay in fikradahaasi ay aad u yar tahay qof uga badbaadeysa sida iyada oo kale.

Waxay ka sheekeysay maalmihii ugu horeeyay oo ay ku socotay xagjireynta dhinaca diinta Islaamka, iyadoona sheegtay in qaladka ugu weyn aanay ahayn masaajidda oo la sheego in inta badan dhallinyarada laga duufsado. Gabadhaan oo magaceeda la qariyay sababo amni dartood ayaa waxay sheegtay inay ku sigatay in waalidkeed ay yihiin Gaalo, isla markaana loo geliyo gacmaha galoofis iyo fikrado kale oo ka sii daran.

“Waa Alle mahadiis inaan fahmay khatarta ay leeyihiin kooxaha dadka tashkiiliya si ay uga mid noqdaan argagixisada” ayay tidhi gabadhaasi oo sheegtay inaanu sinna uga badbaadeynin in maskaxdiisa la bedelo qof aan heysan waalid iyo bulsho wanaagsan oo uu la nool yahay.