Garabka Haweenka Xisbiga Wadani Oo U Dabaal Dagay Sanad Guuradoodii Kawaad

Haregysa(GNN) Garabka Haweenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa habeenkii xalay ahaa soo agaasimay xalfad balaadhan oo ay ugu dabaal dagayeen Sanad Guuradii Kawaad Ee Ka Soo Wareegta Aasaaska Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani.
IMG_0062(2).JPG

Xafaldan Oo ay ka soo qayb galeen Hogaanada kala duwan Ee Xisbiga Iyo Waliba Garabada haweenka ayaa waxay ay ka qabsoontay Huteel Royal Ee Magaalada Hargeysa .

Ugu horayin waxa halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani Marwo Foosiya Kayse Faarax oo ka warantay ujeedada xafladan caawa loo qabtay waxayna Tidhi ” Caawa waxa aynu joognaa sanadkii la aasaasay garabka haweenka oo ay ka soo wareegtay mudo ku siman hal sano waxaan Alle inooga baryaya in aynu sandkan iyo sanado kaloo badan aynu joogno.
Runtii mudadaa aynu aasaasnayin hawlo badan ayaan qabanay wax weyna waynu ku soo kordhinay Xisbiga waxaan caawa aad u hambalyaynayaa dhamaan haween waynaha reer Somaliland gaar ahaan Haweenka WIMG_0061(1).JPGadani meel kasta oo ay aduunka ka joogaan waxaan leeyahay sanad inoo curtoo wacan”.

IMG_0073(3).JPG

Maryan Maxamuud Dirir Xoghayaha Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga Wadani ayaa sido kale halkaasi hambalyo iyo bogaadin u marisay haweenka xisbiga Wadani Waxayna Tidhi ” waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan haweenka xisbiga Wadani Heer Gobol heer dagmo Gudo Iyo Dibadba Waxan Leeyahay noqda kuwii sando kaloo badan si nabada ku gaadha waxaan idin leeyahay sanada wacan oo inoo dhashay .
Gudoomiyaha Gobalka Maroodi Jeex Siciid Bistaale ayaa dhamkiisa hambalyeeya Gabarka Haweenka waxana uu ku hambalyeey sanada guuradoodaa kowaad ee ka soo wareegtay aasaska garabka haweenka, sido kale Hinda Xasan Idirs Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Gobalka Maroodi jeex ayaa hambalyo taas la mida gaadhsiisay Haween Weynaha Reer Wadani .

Gudoomiye Ku Xigeenka Shanaad Xisbiga Wadanai Marwo Milgo Maxamuud Cilmi ayaa sheegtay in ay farxad weyn u tahay ka soo qayb galka ay kala soo qayb gashay haweenka sanad guuradooda kawaad.
Gudoomiye ku Xigeenka Kawaad Ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed ayaa dhankiisa halkaasi hambalyo hawada u mariyeey Haween Waynaha Wadani waxaan uu ku hambalyeey Sanad Guuradaa Kaweed Ee U dhamaatay Haweenka Wadani.

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE